Rabshad ka Dhalatay Gaadhi AMISOM Leedahay oo Qof Rayid ah ku Jiidhay Gudaha Magaalada Muqdisho
Muqdisho 28.Jan 2014 (SDN): Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku jiiray Muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa Dadka ku nool Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa Ninkaan oo Taksile ahaa ku jiiray Meel u dhaw Tareebiyaano ee Magaalada Muqdisho,waxaana Goobta ka Cararay Gaarigii AMISOM ee wax jiray.
intaa kadib ayaa waxaa goobta ka dhacay Banaanbax ay sameeyeen Dadka Reer Muqdisho oo Dalbanayey in lasoo qabto Gaariga AMISOM ee Jiiray ninkaan Taksilaha ah ee maanta ku dhuntay Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Soomaalia ayaa soo gaaray,waxaana Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaalia ay u sheegeen in ay soo qabteen Gaarigii maray ninkaan Soomaaliga ah.
Taliyaha Degmada Hodan Max.ed Daahir ayaa warbaahinta la hadlay oo sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen Gaarigii falka Geystay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com