Sarkaal Ka Tirsan Safaaradda Somalia ee Nairobi Oo Maalintii Afraad Gacanta Ugu Jira Ciidanka La Dagaalanka Argagixisada Kenya
Nairobi:28-Jan-2014(SDN)-Wararka Ka Imanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in diblumaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay xidheen ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka waxa loogu yeerdh argagixisada.
Wararka ayaa intaas ku daray in Diblomaasigaasi uu ciidanka gacanta ugu jiro Maalintii Afraad oo isku xigta.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inay ciidanka Kenya u Haystaan Kiis la xidhiidha Arrimo Argagixiso oo uu lug ku lahaa, iyadoo su’aalo laga Weydiinayo Arrintaas.
Diblu maasigan u xidhan ciidamada Kenya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Yuusuf Warsame, wuxuuna safaarada u qaabilsanaa dhinaca baratikoolka, kaas oo ay ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada ay gacanta ku dhigeen 23-kii bishan January, waxaana la qabtay isagoo watay gaadhi nooca raaxada ah oo numbarkiisu yahay {KBp609W}, kaas oo lagu eedeeyay inuu xidiidh la lahaa falal qaraxyo ah oo ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ilyaas loo heysto inuu ku luglahaa qarax 16-kii bishan ka dhacay baar ku yaala garoonka diyaaradaha Jooma Kenyaata ee magaalada Nairobi baadhitaanada uu boolisku sameeyay ayaa lagu ogaaday in Ilyaas uu heysto sharciga dalka Kenya ilaa haddana ay su’aalo ku socdaan.
Ilyaas Yuusuf Warsame waxaa magacaawday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana la magacaabay bishii Maarso ee sanadkii tagay 2013-kii, waxaana saraakiil dowladda ka tirsan ay nasiib-darro ku tilmaameen in iyadoo aan baadhitaan lagu sameyn la magacaabay dhibaatana ay ku tahay cilaaqaadka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
S.D.N