|

Saylici Oo Meesha Ka Saaray inuu Xabsi Guri U Diray Abaanduulaha Ciidanka Qaranka

Hargeysa:28-Jan-2014(SDN)-Iyadoo ay wali taagan tahay Khilaafkii  Abaanduulaha iyo Taliyaha Ciidanku, ayaa Haddana Waxa Ku Lug Lahaanshaha Khilaafkaas Meesha ka Saaray Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

calasiAbaanduulaha ayaa isagu Madaxweynaha ku Eedeeyey inuu Xabsi Guri ku xidhay muddo afar maalmood ah, balse waxa warkaas Been abuur ku sheegay Madaxweyne KU xigeenka Saylici.

Madaxweyne Ku xigeenka oo shalay la weydiiyey su’aal kooban  oo la xidhiidha Eedda loo jeediy, ayaa xusay inaan warkaas waxba ka jirin oo aanu wax lug ah ku lahayn khilaafkaas. “Arrintaa waxba kama jiraan, manay dhicin.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu Xabsi Guri u diray Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka.

Khilaafka u dhexeeya Abaanduulaha Ciidanka iyo Taliyihiisa ayaa sii ballaadhay, waxana arrintaas si weyn loogu eedeeyey inuu farogelin Dhinac ku hayo madaxweyne-ku-xigeenka somaliland oo haatan sii haya xilka madaxweyne ee Dalka.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed