Sirdoonka Ehiopia Oo Nairobi Ka Afduubay Xubno ONLF Ka Tirsanaa
Addis Ababa:28-Jan2014 (SDN)-Ururka Dagaalka Kula Jira Dawladda Ethiopia ee ONLF ayaa Sheegay in Laba Xubnood oo ka Tirsanaa lagu afduubtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Xoghayaha arrimaha dibedda ONLF Cabdi Mahdi ayaa VOA-da la hadlay ayaa sheegay in dadkaas ay afduubteen sirdoonka dalka Ethiopia, Isla-markaana ay arrintaasi khiaamo tahay.
Xoghaye Cabdi Mahdi ayaa sheegay in labadan nin ay ka tirsanaayeen ergooyinkii ONLF uga qaybgalayay wadahadallo iyaga iyo dowladda Ethiopia ay ku yeesheen magaalada Nairobi.
Mar la weydiiyay raggan in ay u baxsadeen Ethiopia sida ay sheegeen warbaahinta Dowlad deeganka Soomaalida, wuxuu tilmaamay in arrintaas ay been tahay oo raggan iyagoo jooga Naiorbi la afduubtay.
Wuxuu tilmaamay oo kale in dhawaan lagu waday in uu qabsoomo wadahadallo u dhexeeya labada dhinac kaasoo ay waday dowladda Kenya.
Ugu dambeyn xoghayah arrimaha dibeda ONLF ayaa xusay in raggan ay ku xidhan yihiin xabsi ku yaalla dalka Ethiopia, arrintaasna waxa ay sii kala dhantaaleysaa isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac ayuu tilmaamay.
ONLF ayaa muddo dheer dagaallo xooggan kula jirtay dowladda Ethiopia si ay xornimo u gaadhsiiso gobalka Kilinka shannaad ee Ethiopia.
Inta badan xooggagii ONLF iyo Hoggaamiyayaashoodii ayaa heshiis la Galay Dawladda Ehiopia, waxana Haatan meesha ka Baxday amaba Yaraatay Awooddii kooxdaasi ku lahaayeen Dhinaca Somalida Ethiopia Dhexdeeda.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com