|

SOOMAALILAND & SIYAASADA SANADKA CUSUB 2014

Shacbiga S/land & saxaafada w

Waxaan ku salaamayaa salaanta  islaamka ASCW. Intaa ka dib waxaan ku guda jirnaa sanad cusub oo saadaashiida  & sahamintiisa wata,sidaa darteed 23 sano oo S/land ahayd maamul ka madax  banaan soomaaliya inteeda kale ama ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii  halkee bay maraysaa siyaadasada S/land ee ku wajahan aduunka aynu wax la
wadaagno ama aynu ka mid nahay.waxa hubaal ah oo marag ma doonta ah in wakhtiga  aynu la soo noqonay madax banaanideena & sida ay caalamka uga fara
madhanahay aanay is lahayn iyadoo waliba aanay jirin xidhiidh caalami ah oo aan  la leenahay wadamada caalamka taas oo ah nasiib daro inagu habsatay.Xukuumadihii
kala duwanaa ee soo Mara Jamhuuriyada S/land dhamaantood anigoo aan kala reebin  ilaah baa idili doonee siyaasada Arimaha dibada aad bay uga liiteen waxa se ugu
sii liita Xukuumada maanta talada haysa ee Kulmiye oo shacbigii S/land ku majara  habaabisay Barnaamijka dibu heshiiisiinta Soomaaliya & Soomaaliland taas oo
u muuqata I Jiid aan ku Jiido waa gacmo daalis oo wax badan ka soo muuqan.hadaba  wadagayaal waxa ii muuqata in Xidhiidhka Caalamka aan la lahayn aanu wax midho
dhal ah lahayn ahna sida aan kor ku soo sheegay.Hadii aan dib u yara jaleeco  Wada hadalka soomaaliaya iyo Soomaaliland aniga waxay iigu muuqataa in uu yahay
wakhti lumis & iyadoo la inaga ilaalinayo sidii aan xidhiidh ula samaysan  lahayn Wadamada caalamka Intaa waxaa raaca sidii ay u bilaabmeen Wada hadalkaas
wali mar qudha kamay soo bixin wax dhagaha shacbiga S/land ku Farxaan maalinba  maalinta ka danbaysa waxa ka soo baxa tii kale ka daran .Sidaa darteed waxa
haboon in xukuumada maanta jirtaa ay ku fikirto sidii ay xooga u saari lahayd  sidii ay wasaarada arimaha dibadu u shaqayn lahayd xidhiidh caalami ah ugu
raadin lahayd ama una balaadhin lahayd waxqabdkeeda ku aadan hirgalinta  siyaasada wasaarada Arimha dibada.waxa kale oo aan wada ognahay safiirada loo
magacaabay wadamada Yurub in aanay lahay wax dhaqdhaqaaq oo fara badan marka  laga reebo soo dhawaynta madaxda Dawladu markay imanayaan .qoraalka waxaan ku
soo afmeerayaa laba qodob oo aan is leeyahay wax tar bay u noqon kartaa  Wasaarada arimaha.
1.in la raadiyo Aqoonyahan badan oo dalka gudihiisa &  dibadiisaba ku nool oo u kuur gala maxa hor taagan citiraafka S/land?
2.In  xukuumada talada haysa gabi ahaanba faraha kala baxdo wadahadalan maaweelada  caruurta ah xooga iyo dhaqaale badana ku bixiso sidii loo heli lahaa xidhiidh
caalami ah oo midha dhal ah sidii Wadamada caalamka uga mid noqon lahayn.

W/B/T,

Mustafa Ismail Ahmed

Comments are closed