Nuxurka Warbixintii Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka uu Siiyay Golaha Wakiilada {DHAGAYSO}
Hargaysa 26.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Warbixin dhinacyo badan leh Siiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Wasiirku Waxa faahfaahin kaga bixiyay mashruuca loo yaqaano somaliland fund kaasoo ay iska kaashadaan dawladaha ingiriiska Denmark iyo Norway waxaanu intaa daray In sanduuqaasi ay ku jirto xiligan lacag dhan sagaal iyo kontan milyan oo dallar oo ay inoogu kala deeqeen dawlahaasi kaasoo loogu talo galay mashaariicada horumarinata dalka mudo ku siman afar sanadood .
Waxaanu wasiirku xusay in deeqaha dal la siiyaa ay yihiin deyn iyo deeq ay isagu jiraan isalmarkaana ay laba qaybood ka kooban yihiin deeqaha dawadaha oogu deeqaa kuwaas oo kala ah mid toos ah iyo mid dadban oo loo soo mariyo hayadaha samofalka sidaa darteed sanaduuqan ayaa ah mid toos wax laynoogu siinayo oo aan soo marayn meel kale .
Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicada lagaga shaqaynayo dhaqaalaha sanduuqani in ay yihiin kuwo ay samaynayaan jaangoyntooda gudi isku dhaf ah oo ka kooban xukuumada iyo golayaasha qaranka, waxaanu nqoqn doonaa mid wax eyn ka tara mashaariicada horumarinata dalka maadaama inagu aynu nahay kuwa maamulaya meelaha wax laga qabanayo iyo sida ay u kala waaweyn yihiin baahiyaheena waxqabad .
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Warbixintii Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/QorshayntaMaanta.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com