|

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta oo Jawaabo u kala diray Madaxda Xisbiyada Mucaaridka {DHAGAYSO}

Hargaysa 26.Jan 2014 (SDN)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ahna ku simaha Wasiirka  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan marxaladda dalku marayo gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, siyaasada arimaha dibadda, dhanka arimaha bulshada iyo horumarka maalinba ta xigta dalku ku tallaabsanayo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada WarfaafintaMd Cabdiwaaxid waxa uu sheegay in mudadii xukuumadani xafiiska joogtay wax badan oo muuqda laga qabtay horumarinta dalka iyo dadka isla markaaana tallaabooyin wax ku ool ah laga sameeyey dhinaca dib u heshiisiinta iyo isu soo dhoweynta dhinacyadii wax tirsnayey haday tahay dhanka Bari oo heshiisyo kama dambays ah lala gaadhay ururkii SSC maantana madaxdoodii ay talada dalka wax ku leeyihiin  iyo dhinaca galbeed oo dhowaan wax badan iska bedeleen.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Wasiir ku Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WarfaafintaMaanta.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed