Kenya Oo Markale Ku Gooddidey Inay Kor u Qaadday Ammaanka Goobaha ay Somalia Kaga Sugan yihiin
Nairobi: 26-Jan- 2014 (SDN) –Ciidamda Kenya ee Ku Sugan Deegaanada Somalia ku Yaalla ayaa ku Gooddiyey inay Jawi Nabadeed ku soo Dabaaleen Deegaanada ay Gacanta ku Hayaan illaa iyo Haatan.
Sidoo kale waxa ay Ku Faaneen inay ka Hortageen isku dayo weerraro ah oo lala Damacsanaa Xarumaha Dawladda iyo meelo kale oo shacabku ku sugnaa.
Abaanduulaha ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya, Berg. Walter Raria ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qabteen deegaannada ay Jubbooyinka kaga sugan yihiin, isagoo sheegay in taasi ay suurogashay kaddib markii ay wada-shaqeyn ka heleen shacabka deegaannadaas.
“Waxaan ku guuleysannahay inaan Al-shabaab ka saarno deegaanno fara badan oo ku yaalla Jubbooyinka, waxaana noo qorsheysan inaan goobaha ay ku harsan yihiin ka saarno,” ayuu yidhi Brig. Walter
Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa waxay tiradoodu gaadhayaan 3,664 askari kuwasoo ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo xad la leh dalka Kenya.
Ciidamdan ayaa culays badan kala kulma ciidamada Alshabaabka oo inta badan weeraro gaadmo ah xilliyo xaasaasi ah ku ekeeya, waxana ay taasi keentay inay Si weyn u feejignaadaan.
Ciidankan ayaa inta badan sheegta inay somalia nabad ka dhaliyeen, islamarkaana ay al-shabaab ka sifeeyeen meelo badan oo ay hore gacanta ugu hayeen, iyagoo tilmaama inay shacabka somalia u horseedeen nolol fiican oo Alshabaab ka Baxsan.
S.D.N