|

Maamulka Kismayo Oo Soo Abaabulay Bannaabax Lagu Taageerayo Ciidanka Kenya Ee Halkaas Ku Sugan

Kismayo: 26-Jan-2014(SDN)-Wararka Ka Imanaya Magaalada Kismayo ayaa sheegay in maamulka Halkaas ka Arrimiyaa ay Saaka Soo  Abaabuleen Bannaan Bax Ballaadhan oo Lagu Taageerayo Joogitaanka Ciidanka Kenya.

kisiWararku waxa ay intaas ku darayaan in Dadweyne Tiro badani isku soo  Baxeen, kuwaas oo muujinaya inay Taageero ballaadhan u hayaan Sii Joogitaanka Ciidanka kenya oo in muddo ah halkaas ku sugnaa.

Shacabka iyo Maamulka Magaalada oo is wata ayaa la sheegayaa inay Iskugu soo Baxeen Garoonka Weyne ee Waamo Stadium, iyadoo shacabka la soo baxeen Boodhadh ay soo qoreen qolaalo lagu dhiirrigelinayo Farogelinta Kenya ku leedahay Deeganadaasi.

Guddoomiyaha Xaafadda Kismayo iyo Masuuliyiin kale oo goobta Hadllo ka jeediyey ayaa tilmaamay inay maamulka iyo shacabkuba taageersan yihiin inay Ciidanka Kenya ku sii Sugnaadaan Deegaanada Jubooyinka.

Masuuliyiin kale oo Maamulka Jubba ka tirsan ayaa iyaguna sugaya inay Hadlka qaataan, waxana ay dhammaantood ku foogan yihiin  sidii shacabku u muujin lahaa Jacaylka Loo Qabo Reer Kenya.

Waa markii ugu horraysay ee Dadka Deegaankaasi si buuxda u muujiyaan Jacayl  ay u qabaan Ciidanka Ajaanibka ah, waxana Habeenadii ugu dambeeyey Meelo kala Duwan kaga Imanayey Weerarro ay Kooxda Alshabaab ku hayeen, kuwaas oo aymeelo meelo Muhiim ah ku Beegsanayeen Sida Garoonka Weyn ee Diyaaradaha oo kale.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed