|

Xubin Bulshada Dhexdeeda Muhiim Ka Ahayd Oo Xalay Lagu Kaarajiyey Magaalada Galkacyo

Gaalkacyo:26-Jan-2014 (SDN)-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu Dilay Allaha u naxaristee Madaxii Hay’adda NRO Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere).

BASTOLADDilka Marxuumka ayaa la sheegay inay ka Dambeeyeen Koox Hubaysan Oo Wajiga Soo Duubtay Xilli uu ku Sugnaa Xaafadda Garsoor ee Ka Tirsan Magaalada Galkacyo.

Allaha u naraxiistee Marxuun Cabdi Maxamed ayaa waxaa uuu madax ka ahaa hay’adda NRO oo ahayd hay’adda Maxali ah oo ka shaqaysa arrimaha waxbarshada iyo daryeelka dadka.

Marxuun Cabdi Maxamed Aadan  ayaa waxa hanjabaadyo kale duwan oo dhinac Taleefanka ah ay uga yimaadeen kooxaha dila haldoorka magaalada Gaalakacyo iyagoo ugu goodiyey dhowr jeer in ay dilayaan balse marxuunku isagu wuxuu ahaa shaqsi caadi ah oo hal abuur badan kana shaqaysta hay’addiisa isagoo arrimo muhiim ah ka fuliyey inta u dhexeysa degmada Jariiban iyo Galdogob.

Kooxda dilka u geystay Allaha u naxariistee marxuun Cabdi Maxamed Aadan ayaa waxaa ay ka koobnaayeen ilaa 5 ruux o ku hubaysan Baastoolado iyagoo markii ay dilka u geysteen marxuunka goobta ka baxsadeen.

Dilka xalay loogu geystay magaalada Gaalkacyo Madaxii Hay’adda NRO marxuun Cabdi Maxamed Aadan.(Cabdi dheere),ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili saaka Wasiirka amniga ee Puntland iyo Saraakiisha ciidanka daraawiishata ee Puntland ay warbaahinta u sheegeen in ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ay ciidanka Al-shabaab ka samaysteen Buuraha Golis.

Dilka shakhsiyaadka Haldoorka Bulshada ah ayaa intii muddo ahayd ka maqnaa Magaalada Galkacyo, waxase Tani ay noqotay mid ka nixisay Shacabka Deeganadaas ku Nool oo iyagu faa’iido badan ka Heli Jirey Hay’adda uu Marxuumku madaxda ka ahaa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed