Madaxweynaha Faransiiska oo xaaskiisii ka tegay,maxey tahay sababtu?
Paris Jan 26,2014(SDN)-Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa la sheegay in ay kala tegeen xaaskiisii todobadii sano ee ina dhaafay.
Francois Hollande ayaa goaankan qarsoodi u gaaray ka dib mudo laba todobaad oo ay saxaafadu si weyn u hadal heysay haweeney kale oo jilaa ah oo uu xiriir la lahaa.
Warkan oo saxaafada Faransiisku ka soo xigatay mid ka mida kalkaaliyeyaasha Mr Hollande oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Hollande iyo xaaskiisii hore Trierweiler ayaa isu leh afar caruur ah wada jirayna ilaa iyo sanadii 2007dii.
Saxaafada dalka Faransiiska ayaa sheegtay madaxweynaha oo 59 jir ahi in ay wada socdaan Haweeney jilaa ah oo la yirahdo Julie Gayet oo 41 jir ah.
Dadka Faransiiska ayaa ku kala qeybsan sida madaxweynuhu u maareeyay kala boodka isaga iyo xaaskiisa.
Dadaka qaar waxa ay qabaan in ay arintani tahay dhacdo caadi ah,halka ay qaar kalena qabaan in mar hadii uu arinka ka qariyay ay dhici kareyso in uu arimo kalena qarinayo.
SDN-Paris