Qaar ka Mid ah Iskaashatooyinka Gaadiidka oo Muqdisho ka Sameeyay Shaqo Joojin iyo Cabasho amaan oo ay soo Bandhigeen
Muqdisho 25.Jan 2014 (SDN)- Xubno ka tirsan guddiga iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir iyo darawallada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Ex-katarool ee magaalada Muqdisho.
Waxay ka cabanayaan arrimo la xiriira jid-gooyooyin ay sheegeen inay ku soo kordheen waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Guddoomiyaha guddiga iskaashatada gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmeen jidgooyooyinka sharci darrada ah ee ay dhigteen qaar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Daahir wuxuu intaas raaciyay in marka laga soo tago baadda laga qaado, ay u dheer tahay jirdil loo geysto wadayaasha gaadiidka.
Wuxuu u jeediyay dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatooyinka, lana qaado isbaarooyinka ku soo batay waddadaasi.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com