|

Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Alshabaab oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho 25.Jan 2014 (SDN)- Dibadbax looga soo horjeeday maleeshiyada al-Shabaab, laguna beeninayay kulan ay sheegtay inay magaalada Buulo-mareer kula yeelatay odayaal dhaqameed taabacsan ayaa maanta ka dhacay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dibadbax-ka-dhan-ah-al-Shabaab-300x167Dibadbaxa oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan baarlammaanka federalka ah ee Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood iyo dadweyne badan.

Guddoomiyaha Warta-nabadda, Deeqa Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay aad u garanayaan cadow-tinnimada al-Shabaab, sidaa darteedna aan loo baahnayn in haba yaraatee la dhagaysto.

Guuddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee arrimaha nabadgalyada Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa isaguna sheegay in dhowaan dowladdu gacanta ku dhigayso ammaanka iyo maamulka deegaannada ay maleeshiyadu ku sugan tahay.

Qaar ka tirsan xubnihii xildhibaannada baarlammaanka iyo odayaasha dhaqanka ee dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin shir madax-bannaan oo shacabka deegaannadaas ay la qaateen al-Shabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed