Ciidamo ka Tirsan Maamul Goboleedka Punt land oo Saaka Ku Waaberiistay Buuralayda Galgala
Garowe 25.Jan 2014 (SDN)- Ciidanka Puntland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahayd deegaanka Buurallayda Galgala oo 30 km dhinaca koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee aagga Galgala Jaamac Siciid Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saaka ay ku dileen afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, toddobo kalena ay ku dhaawaceen.
Jaamac ayaa intaas ku daray in dhinacooda uu dagaalka uga dhaawacmay hal askari, haatanna ay ciidankooda si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Galgala.
Wasiir ku xigeenka ammaanka Puntland, Cabdi-Jamaal Cismaan Maxamed ayaa isaga oo ku sugan deegaanka Galgala ayaa sheegay inuu dagaalka istaagay kaddib markii laga awood roonaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugnayd deegaanka.
Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa in dhowaaleba ku dhuumaaleysaneysay deegaannada buurallayda ee gobolka Bari kaddib markii kooxda looga adkaaday dagaalladii ay ka wadday bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Garowe SDN.
Qurbejoog.comn