Qaraxyo Ismiidaamin ah Oo Saaka Laga Geystay Magaalada Beledweyne
Beledweyne:25-Jan-2014(SDN)-Wararka Saaka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Halkaas uu ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ahi.
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in laba nin oo ka Tirsan Kooxda Alshabaab ay ciidanka Ammaanku Gacanta ku dhigeen laba nin oo ka Tirsan kooxda Alshabaab kadibna ay is qarxiyen.
Ragga la qabtay oo tiradooda lagu sheegay laba Qof, ayaa la sheegay in shaki laga qabay kadib la qabtay intii gacanta lagu hayeyna ay ismiidaamiyeen, maadaama ay markii hore miinaysnaayeen oo ku soo talo galeen inay naftooda huraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in mar kaliya ay maqleen jug xoogan faah faahino badana aysan ka heynin wixii dhacay waxaase intaasi kadib aan raadinay xog raadinta arintaasi, waxana la sheegayaa in qaraxaasi uu khasaare weyn geystay.
Taliyaha booliska B/weyne Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in xaafada Howlwadaag ee magaalada B/weyne lagu qabtay labada ruux ee Al shabaab katirsanaa islamarkaana intii saldhiga loo waday ay ismiidaamiyeen.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com