|

Masar Oo Maanta Laga Xusayo Sannad-guuradii 3-aad ee Kasoo Wareegtay Markii Xilka Laga Tuuray Xusni Mubaarik Iyo Cabsi Laga Qabo Isku Dhacyo Hor Leh

Qahira:25-Jan-2014(SDN)-Waxa Maanta Dalka Masar Looga Diyaar garoobayaa Xuska Sanad-guuradii Saddexaad ee Ka Soo Wareegta Markii Xilka Laga Tuuray Maamulkii Militariga ahaa ee Xusni Mubaarik Hoggaaminayey ee Dalka Haystay muddo soddon sano ah.

exexDalkaas Haatan waxa ka Taagan qalalaase iyo Dhibaato Bilaabantay markii ay ciidanka Militariga Talada Ka Tuureen Madaweynihii Sida Sharciga ah loo soo Doortay Ee Maxamed Mursi oo haatan Xabsi ku jira.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay Jimcihii weerarro ka dhacay Masar oo ay ku jiraan lix ka tirsan booliiska oo lagu dilay caasimadda Qaahira.

 

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in geerida kale ay dhacday kadib iska horimaadyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga islaamiga ah, kuwa cilmaaniyiinta iyo booliiska.

 

Kumannaan qof oo ka tirsan dhinacyadaasi ayaa la filayaa inay dibedbaxyo sameeyaan maanta kuwaasi oo ka dhacaya Qaahira iyo magaalooyinka kaleba.

 

Ugu yaraan 4 qarax ayaa ka dhacay Qaahira Jimcihii oo uu ku jiro mid ismiidaamin ah meel u dhow dhisme ay leeyihiin ciidanka amniga.

Ciidamada ayaa ku dhawaaqay inay Fagaarayaasha waaweyn ee qaranka inay ku bannaan baxaan loo oggol yahay kaliya dadka Taageersan maamulka jira, waxana ay  sheegeen inay difaaci doonaan dadkaas oo aan loo ogolayn inay fagaarayaasha cid kale soo gasho.

Kooxaha kale ee Aadka u kacsan oo ugu horreeyaan Kooxaha islaamiyiinta ah iyo kuwa dhallinyarada ah ee Hormoodka ka ahaa kacaankii xusni Mubaarik meesha lagaga tuuray, ayaa ballan ku qaaday inay Dareenkooda muujin doonaan, waxana taasi ay baqdin gelisay ciidanka oo ka cabsi qaba inuu isku dhac yimaaddo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed