“ Haddii Xilka Lagaa Qaado Ma aha Inaad Meel Fadhiisato Oo Aad Xukuumadda Wax Ka Sheegto’e Waa Inaad Nolosha Qaabishaa” Cali Cilmi Geelle
Hargeysa:25-jan-2014(SDN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta somaliland Cali Cilmi Geelle, ayaa sheegay inuu dib ugu noqonayo Xirfaddiisii macallinimo oo uu ka maqnaa intii uu xilka wasiirnimo hayey.
Wasiir Cali Cilmi oo u warramayey idaacadda BBC-da ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku noqdo shaqadaas uu takhasuska u leeyahay, islamarkaana aanu aaminsanayn in marka xilka lagaa qaado aad meel fadhiisato oo aad xukuumadda waxa ka sheegyo,
“ Ma aha in marka xilka lagaa qaado inaad meel fadhiisato oo aad xukuumadda wax ka sheegto, balse waa inaad Xirfaddaada ku noqotaa oo aad noloshaada ka Baadi doontaa waxa aad soo Baratay iyo Takhasuskaaga, aniguna waxan Diyaar u ahay inaan Mar kale Tamaashiirta qaato oo aan shaqadaydii dib ugu noqdo.” Ayuu yidhi Cali cilmi Geelle.
Waxa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu siyaasadda ku soo noqdo xilligii lo yeedhaba, balse aanu jeclayn in wakhtigu kaga dhaco inuu xil ku sugo meelo aan munaasib ahayn oo aan waxba ka soo gelaynin, waxana uu yidhi, “ anigu siyaasadda ma necbi, haddii berri la I magacaabana waan soo noqonayaa laakiin diyaar u ma ihi inaan inta la imagacaabayo meel cidla ah iska fadhiyo oo wakhtigu halkaas igaga lumo, xirfaddaydana waxan uga faa’iidaynayaa dhallinyarta aniguna waan faa’iidaysanayaa, qofkuna inta uu noolyahay xirfaddiisa kama maarmi karo kamana maqnaan karo.”
Cali Cilmi Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaarado ka mid somaliland, ayaa sanadkii hore xilka wasaaradda Boostada laga qaaday, waxana Haatan uu ballan ku qaaday inuu wasaaradda Waxbarashada ka Sugayo inay ku Qorto mid ka mid ah Dugsiyada Sare ee Hargeysa si uu Xirfaddiisa ugu sii shaqaysto.
Cali Cilmi waxa uu sheegay inuu ka soo baxay Kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole, isagoo Halkaas ka soo qalin jabiyey Sannadkii 1981-kii, takhasuskiisuna waa Luuqadda Igiriisiga oo uu Haatan Doonayo inuu Dhigo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com