|

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Jabuuti oo Bogaadiyay Isbedelka Maamul ee Punt land

Muqdisho 24.Jan 2014 (SDN)-Wasiirka diinta, Awqaafta iyo dhaqanka jamhuuriyadda Djibouti Aadan Xasan Aadan ayaa madaxda iyo shacabka Puntland gaarsiiyey hambalyo iyo bogaadin uu uga siday madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Diinta Dhaqanka iyo Awqaafta Jabuuti Aadan Xasan AadanWasiirka oo hoggaaminayey wafdi ka socday Jabuuti oo ka qaybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha Puntland, Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Djibouti ay ku faraxsan yihiin horumarka Puntland, loona baahan yahay in la sii ambaqaado.

Iskaashiga mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay inay sabab u yihiin wanaagga maanta ka muuqda Puntland.

Wasiirka ayaa ku dardaarmay in aysan intaas ku idlaan howlaha lugu horumarinayo Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed