Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay inuu Kor U Qaadayo Dhaqdhaqaaqyadiisa Ciidan ee Somalia uu ku Leeyahay
Washington:24-Jan-2014(SDN)-Waxa wali meel sare maraysa Dedaalka uu maraykanku ugu jiro inuu dagaal xooggan la galo Kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama somalia oo ku fidaya meelo badan oo Gobolka ka mid ah.
Warbixin lagu qoray wargeyska Los angeles Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa muujineysa in dowlada Mareykanku ay Haatan qorshaynayso inay Ballaadhiso qorasheeda la xidhiidha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo saraakiil ciidan u diraysa Somalia.
Warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda taliyaasha ah ee dowladaasi u soo dirtay Soomaaliya ay kaalin wax ku oola ka ciyaarayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Sarkaal ka tirsan wasaarada gaanshaandhiga ee dalka Mareykanka oo wargeyska la hadlay ayaa sheegay in awooda Meletari ee Mareykanku ka soo qaadi doono Afgaanistaan uu u soo weecinayo jiido dagaal oo ku yaala Afrika , Soomaaliya iyo Naajeeriyana ay ugu horeeyaan.
Sarkaalka oo qariyay magaciisa ayaa sheegay in dowlada Mareykanku ay sanadka soo socda kordhin doonto saraakiisha ka jooga Soomaaliya si joogitaankeedu u noqdo mid muuqda oo la dareemi karayo.
Dowladaha reer galbeedka ayaa galaangal meletari oo toos ah ku lahaa Soomaaliya tan iyo sanadii 2007 , waxayna ciidamada ka socda midowlada Afrika ka taageeri jireen dhinacyada sirdoonka , qorsheynta iyo saadka.
Talaabadan ayaa noqon doonta mid ay dowlada Mareykanku ku soo celineyso joogitaankeeda Soomaaliya tan iyo sanadii 1993 xiligaas oo dhulka la soo dhigay laba diyaarad oo ah nuuca qumaatiga u kaca , 18 askarina looga dilay Soomaaliya.
Kooxaha islaamiyiinta ayaa iyagu il dhaw ku eegaya dhaqadhaqaaqyadan cusub ee kaga imanay dhinaca maraykanka, waxana ay tabaabulsho ugu jiraan diyaarinta qorshihii ay kaga badbaadi lahaayeen Culayska Militari ee kaga imanay dhinaca reer Galbeedka.
S.D.N