|

Ciidamada Naafada Soomaaliyeed Oo Ka Dhiidhiyey Ku Biiritaanka Ethiopia ee AMISOM, Baaqna u diray Dawladda

Muqdisho:24-Jan-2014 (SDN)-Waxa isa soo  taraya Dhaleecaynta ay Bulshada Somaliyeed u soo jeedinayso Ku Biiritaanka Ciidamada Ethiopia ee Amisom, waxana Haatan Arrintaas ka Dhiidhiyey Nadiibdarrona ku Tilmaamay Ciidamada Naafada soomaaliyeed.

naafadaAfhayeenka ciidamada naafada xoogga, Cabdi Mahad Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ayaan daro ay tahay ciidamada Ethiopia oo la ogyahay cadaawada kala dhexeesa Soomaalida in loo sharciyeeyo in ay soo galaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay in arrintaas ay sharraf iyo taarikh ay u noqon doonto dowladda Ethiopia maadama ciidankeeda siddii ay rabaan ugu socon karaan gayiga Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaale badan ay ku heli doonto Ethiopia howgalka AMISOM maadama ciidamo ay joogaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdi Mahad Cali ayaa carabka ku adkeeyay in maalin madow ay u tahay ciidanka naafada xoogga Soomaaliyeed oo ku curyaamay dagaalkii ay la galeen dowladda Ethiopia sannadkii 1977-dii.

Shacabka soomaaliyeed ayaa guud ahaanba  meel ay joogaan si weyn uga soo horjeeda inay Ciidamada Ethiopia kamid noqdaan kuwa Amisom, waxana kaliya arrintaas farxad ka muujiyey Dawladda Xasan sheekh oo iyadu u aragta Tallaabo ay kaga Takhalusi karto Al shabaab, balse aan ka fikiraynin Dhibka ay dadka soo gaadhsiin karaan ciidankaasi.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed