Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Ku Biiritaanka Ciidamada Ethiopia ee AMISOM
Washington:24-Jan-2014(SDN)-Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Ku Biiritaanka Ciidanka Ethiopia ee Ciidamda Amisom.
Danjirihii hore ee Mareynkanka u qaabilsanaa Ethiopia David Shinn Ayaa si cad u sheegay in Ku Biiritaanka Ciidanka Etiopia ee Amisom uu u arko mid waddo qaldan maray oo aan waxba soo Kordhin doonin.
David Shin oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa xusay in Ku Biiritaankaasi keeni karo Inay dib u soo noolaato colaaddii muddada badan u dhaxaysay labada dal, isla-markaana ay kooxaha Alshabaab uga faa’iidaystaan inay Shacabka ka dhaadhiciyaan in cadawgoodii hore mar kale dib u qabsaday.
Wararka Danjiraha ayaa ku soo Beegamaya xilli Ciidamada Ethiopia ay si rasmi ah ugu biireen Kuwa Amisom, isla-markaana ay dalal badan oo caalamka ahi soo Dhaweeyeen kuna Tilmaaneen inay wax badan soo Kordhin doonaa dhinaca Dagaalka Kooxaha Islaamiyiinta oo il gaar ah ku eega kuwa Ethiopia.
Ciidanka Ehiopia ee dhawaan ku biiray kuwa AMISOM, ayaa lagu wadaa inay dhinaca ka galaan dagaalada lagaga soo horjeedo islaamiyiiinta Dhibaatada ku haya Dawladda Xasan sheekh, waxana Haatan jira Diyaar garow Ballaadhan oo ay ciidankaasi ugu jiraan sidii ay Hujuumka dhinacooda uga geli lahaayeen.
S.D.N