|

Deeq yare iyo waayihii dugsigiisa(SHEEKO)

Waa maalin cusub iyo aroor cusub. Nabad iyo naruuro ayaa lagu waabariistay. Jawiga saaku waa mid deggan oo cagta iyo jabaqdu ku yar tahay. Laamida burburka iyo godadka badan ee uu lugaynayo waxaa ku weheliya oo si teelteel ah u maraya noole dumar u badan oo u jeeda jihada uu u jeedo; Waxaa soo tarraxa midhadh baabuur ah oo si dhif ah wadadda u soo maraya kuwaas oo gabaw daraadeed guuxoodu in door ah ka soo hormarayo muuqooda. Meesha uu tallaabada dhigayo waxaa weli ka sii qoyan sayaxa dhaxantii xalay ee dad iyo duunyaba gawsaha ruxday. Imika se neecaw dhaxan yari weheliso ayuu dareemayaa. Mar kasta oo neecawdaasi taabato wuu jidhidhicoonayaa oo jidhka ayuu is gelinayaa. Hawada uu dhex muquuranayaa waa nadiif ceeryaan qurxooni ku lammaan tahay. Hawadaas qabaw ee nadiifta ah marka uu sanku nuugo, ee ay dhuunta naqaska hoos u raacdo ee ay sambabbada u dhaadhacdo, ee ay ka sii gudubto oo ay haddana xididdada yaryar u sii daaddegto, ee ay unugyada dhiigga ee cascas ku soo gubato, ee ay haddana afka ka soo booddo iyada oo diirran waxad mooddaa qiiq cad oo isla ceeryaantaas u eeg. Kurayga xilligan kallahayaa waa isaga; Deeq-Yare.

Wuxuu ku taagan yahay surwaal kaaki ah iyo shaadh cad, wuxuuna ku hubaysan yahay lix buug iyo qalin uu ugu talo galay in uu dagaalka maaddooyinka ee maanta macallinka iskaga dhiciyo. Wuxuu ka mid yahay dhawrka kun ee arday ee aan waayaha noloshu dembiga ka gelin ee saaka fursadda u helay in ay u dareeraan dugsiyada dalka. Sannad dugsiyeedkan wuxuu ku jiraa lugtii ugu dambaysay ee uu kaga gudbayey dugsiga dhexe, sidaas darteed buu u dareemayaa sarrayn iyo islwayni. Wuxuu u haystaa in uu yahay ninka saaka ugu nasiibka badan dunidan, uguna sareeya. Maya, saaka wuxuun baa ka sareeya kuwa fasal ahaan ka koreeya. Kuwa ka dirayska duwan ee iyagu lebbisan surwaalka madaw iyo shaadhka cad; kuwaas ayuun buu saaka libin iyo nasiib u oggol yahay. Waa Kuwaas kuwa uu majeeranayo ee uu hiigsanayaa. Inta kale ee kuwaa ka sokeeya wuu yasayaa oo hoos u eegayaa. Subaxaas saaka ah ciyaalka sii geleya fasallo uu beri hore ka soo gudbay wuxuu u qabaa kuwo habsaamay oo aad u liita.

Haddana sidaas oo ay tahay saaka qabkaas iyo islawaynidaas wax baa ku gedaaman. Shucaac iyo wax aanu arkayn ayaa ku gudban. Wanaag kasta oo uu saaka tirsanayo iyo guul kasta oo uu ku naalloonayo wax baa ka soo dhex galaya oo ka dhabqinaya. Waxaas ka soo dhexgelayaa waa dareen baqdin ah. Wuxuu ka baqayaa ushii iyo guhaaddii isku sidkanaa ee maamulaha arxanka daran. Ushii baasaydee meeshay kaa leeftaa ku soo boodaysay ayuu ka sii warwarayaa. Mar kasta oo ushaas xasuusteedu ku soo dhacdo cagta iyo tallaabada ayuu dhulka darandoorri ula dhacayaa oo dedejinayaa. Waa ul aan ardayda oo keliya ku koobnayn ee xitaa mararka qaar macallimiinta habsaanta ku habsata oo boodhka ka hurgufta. Waa ul aan xishoonayn oo ku jirta gacanta qof aan xishoonayn. Subaxii ugu dambeeyeyba markii ay sidii adhiga hor tubnaayeen kadinkii dugsiga ee laga xidhay waa kii macallin soo habsaamay iska soo istaagay ee albaabkii xidhnaa iska garaacay: GAW…GAW…GAW! Markii albaabkii la xanuujiyey uu maamuluhu sida xanaaqsan uga soo booday waa kii yidhi:  “Waar kumaa garaacay albaabka? Sheega wallaahi haddii kale saaka in aan hooyooyinkiin oo aroos ah dhabta idiin saari!” Dabeedna macallinkii qaadiraysnaa markii uu iska yidhi: “Waar anigaa garaacaye…” waa kii laba dab ka kulul gosha u geliyey: BUG…BUG. Isagoo inta xooggii iyo xiniintii ku qaylinaya: “Nacallaa waxaad tahay ku yaalle, baastar yahaw xumi, kaagaas oo kale oo goorta uu doono iska soo toosa ayaan kaa aqaannaaye…Ii dhaaf waar iskuulka oo dib yaanan dayrkaas xun kuugu ag arkin… Waar ma iskuulkaad igu haysataa?” Rabbi Yassir! inta uu niyad u yidhi isagu, wiilkani miyaanu ku jirin kuwii ugu hor quustay ee cararay. Xaalkiisu sow kii noqday sidii sayidkii inta uu naf la caarigii booday ku xil-qarsaday kuwii isaga hortii cagaha wax ka dayey “Caamir waa salleelee anaa haatan caymadiye!”

Alla! Waar saaka nasiib badanaa, cawadiisa iyo calankiisa! Sow tan aan cidiba joogin kadinkii iskuulka. Sow kan albaabkii kibirka loo xidhi jiray ballaqan ee afka kala haya. Kii maamule ku sheegga ahaa mee saaka talaw? Malaha saaka wiiggii hurdada uu ku qornaa ee aanu iskuulka iyo kadinkiisa ka soo ag wareegi jirin ayaa la gaadhay. Haa, garay oo shaw saaka maamuluhu ardaydii oo safaf kala dhiman oo kala dhaadheer ku jirta ayuu daabuulka kaabad taagan kala soo dul hadlayaa. Waa kaas isaga oo xagga sare soo taagan qudbaddiisii hanjabaadda iyo guhaadda miidhan ahayd ku saydhaya dhagaha ardayda ee af-labadii ku qaylinayaa: “Waaryaadha, imikaba dhagaysta, sharcigii adkaa iyo ushii kululayd baryahan waan idinka yar dabciyey oo waad kibirteen oo fanaanakhdeen. Baryahan ganaaxii waan idinka dhimay… waad ogaydeen maamulihii iga horreeyey sidii uu idiin geli jiray ee uu idiin karbaashi jiray iyo wuxuu lacag ganaax ah idinka guri jiray. Anigu waan idiin naxariistay oo idiin seeto dheereeyey, laakiin kibir iyo edeb darro ayaad ka sii qaaddeen isbedelkaas. Imika laga bilaabo waa inoo ul iyo dirir. Wasakh yahay! Waryaadha, imikaba ogaada ninka maalin dambe wax aanan oggolayn halkan ka sameeya anigu ushii karbaashka ahayd iyo lacagtii ganaaxa ee edbinta ahayd waan aqaannaa sida aan u laban laabayo oo u saddex laabayo… qaar badan ayey hooyooyinkood hadhaw igu soo barooran doonaan oo odhan doonaan quraacdaba dirqi ayaan ugu soo helnaye bal maanta noo dhaaf maamule oo naga saamax. Adeer imika iyo imikaba islaamihii idin dhalay ha soo luggoynina wax aan saamaxana ha u fadhiyina… socda imikana gala godadkiinnii wasakh yahay!”

Saaka ushii waa kuwan oo ka yar naste. Talaw ma gacantii axmaqadda ahayd ayaa saaka xanuunaysa? Mise waabu daalay qudhiisu oo damqaday? Waar malaha kii yaraa ee darraad uu sida xun feedhaha uga bukaasay ayaa loo qabsaday oo dadkii dhalay u soo raaceen? Kaa yar kollay arami waa ku maqan tahay sidii uu u galay iyo wixii nabarro ku dhacay haddaad arki lahayd! Laakiin sow tan usha kale niyadda nalaga la dhacay saaka. Sow tan nalagu abuuray werwerka, walbahaarka iyo baqdinta cusub. Ma anaggaaba dul iyo hoos midnaba nool. Ma meel noo fayaw baa jirta? Haddaan kor nalaga garaacin sow tan hoosta nalaga karbaashay. Sow tan niyaddii nalaga budheeyey ee mooraalkii nalaga dhaawacay. Horta meeshu ma dugsi baa oo deris dhigasho ayaanu u nimaadnaa? Haa, casharro ayaanu u nimaadnaa, oo waa sababta aanu buugaagta badan u sidanno. Maya, maya ee malaha meeshu waa jeel dahsoon oo maalin kasta saacado lagu jiro annaguna, ogaan iyo ogaan la’aanba, waxaanu nahay maxaabbiis mutadawiciin ah oo lugahooda ku soo xaadira. Waa saldhig muddaysan oo uu maamule ku sheeggani abbaan ka yahay macallimiintan arradanina ay dablayaal ka yihiin. Mise kobtu waa dugsi waxan aad buugta iyo qalinka u soo qaadatay wax ka duwan lagu barto? Malaha meeshu waa goob sida la moodayo iyo waxa loo furay ay kala duwan yihiin. Su’aalahaas ayaa Deeq-Yare dubaaqiisa si mooganaan ah ugu cartamaya.

Intii aanu saaka gurigooda ka soo jarmaadin markii uu eegay jadwalka maaddooyinka shanta buug ee uu soo qaatay wuxuu ugu soo talo galay in uu ku qorto maaddooyin kala ah: Carabi, Tarbiyah islaamiyah, xisaab, saynis iyo soomaali. Maaddooyinkaas oo qofka barta laga filayo in uu aqoon ahaan koro, akhlaaq ahaanna wanaagsanaado. Laakiin dhab ahaan jadwal kale oo qarsoon ayaa jira. Jadwalkaas qarsoon waa mid aan waraaqo loogu qorin oo aan afkana looga sheegin. Waa jadwal la wada dareensan yahay. Waa jadwalka jideeyey maalin garaacid, xanuujin iyo ganaaxid ah, iyo maalin kale oo hanjabaad, bahdilid iyo cagajuglayn ah. Jadwalkaas dambe maaddooyin qarsoon ayuu ku bartaa. Wuxuu bartaa maadooyinka dugsi nacaybka, baqdinta, been-sheegista, damqasho la’aanta, maqaaxi fadhiisiga, tuugada, baraq-nuglaanta, cagajuglaynta iyo arxan darrada.

Maanta markay hanjabaaddii dhammaysteen waa kuwaas fassalladii cagajiid iyo niyad xumo ugu dareeray. Quluub daallan oo diifaysan waa kuwaas kuraastii la fadhiistay ee la dul yuruura. Dabadeedna macallinka ugu horreeya ee saaka u soo galaa waa kaa mooday in uu horjoogo dad si kalaysan, dad aan hadlin oo aan wax maqal. Cid su’aal cashar ku saabsan wayddiisa iyo cid su’aal uga jawaabtaa midna waa kaas waayey. Waa kaas keligii iska dhurmaya ee isla sheekeysanaya.

Waa arday hadasha misna aan hadli Karin. Waa arday wax maqlaysa misna wax kale maqlaysa.  Waxay maqlayaan oo saaka dhagahooda sida dawanka uga dhex dayaamaya hanjabaaddii iyo handadaaddii maamulaha: “….Adeer, imikaba ogaada ninka maalin dambe wax aanan oggolayn halkan ka sameeya anigu ushii karbaashka ahayd iyo lacagtii ganaaxa ee edbinta ahayd waan aqaannaa sida aan u laban laabayo oo u saddex laabayo…”

Masaakiintani waxay hoos isku leeyihiin armoo su’aal waydiinta macallinka, ama su’aal ka jawaabista darisku ay ka mid tahay waxyaabaha maamuluhu diidan yahay? Billoo maamulahan iyo maxmiyaddiisu gacan kaaga shaqeeyaan oo ku ciqaabaan haddii aad afka kala qaaddid oo, kaba sii darane, haddana eris iyo ganaax iskugu kaa daraan? Oo sidii maalintii dhawayd saaxiibkaa ku dhucday armoo ku yidhaahdaan waryaa waad ganaaxantay ee orod doon lacag kiiloo sibidh ah iyo nadiifiyeyaal iskuulka loogu soo iibiyo? Waar wuxu armoo ku waydiiyaan lacagtii xunka ahayd ee sida foosha xun lagu guran jiray iyada oo aan wax lagu qabtaa jirin?

Sibidh…sibidh. Imisa cisho ayaa horta iskuulkan baas lacag baad ah sidaa inta la idinkaga guray la yidhi dayrkaas dunsan ayaa la dhisayaa ee sibidhka keena? Horta soo tii lacagtii la bixiyey ee si kasta la idinkaga guray. Soo tii mid iskii u bixiya iyo mid qasab ku bixiyaba lacagtaas la gurtay. Oo haddaa meeshii la dhisayey soo taas weli sidii u qalaalan ee afka kala haysa ee dunsan, oo hadana soo tan weliba mid kale iyo ganaax cusub la idiinku hanjabayo. Weger! Oo sow kan ganaaxii noqday gacan irmaan oo aan gudhin iyo mushahar lagu xisaabtamo oo kii sharciga ahaaba ka macaan. Oo lacagtii hore meeday? Mooyi. Oo horta mid aan ku waydiiyo, dayrkan baas miyaanay hay’adda halkaas ku qorani beri hore dhisin? Meeshan yar maxaa dumiyey horta? Gaadhibaa jiidhay. Oo gaadhigii jiidhay Mee? Miyaan inta saldhiga lagu tuuray lacagtii dayrka iyo ka badanba laga qaadin?

Lacagtan nadaafadda iyo sibidh soo iibinta lagu gurayaa maxay ahayd hadana? Fassal kastaa nadaafaddiisa isaga ayaa ka masuul ah sow kii hore u yidhi? Sow tii markii ay suuf iyo xanjo isku dhejiyeen fasal kastaa hawshaas dusha u ritay maaha? Ka waawayn!

Gidaar dhisid…Nuuradayn…Rinjiyeyn…Nadaafadayn…Baaldiyo iibin! “Waaryaadha, waar keena keena lacagta. Waar keena bahasha, keen, keena kalaab yahay xumi!”

Waxa la yidhi dunida saddexaad waxa jira sharci aan qornayn oo haddana la isla wada ogyahay oo la isku xukumo oo weliba afgarad lagu wada yahay; xeerarkaas iyo sharcigaas ayaa fulintiisa ama fulin la’aantiisa heshiis lagu yahay ama col lagu yahay. Sharcigaas aan qornayn ayaa ardayduna jilayaashiisa qayb ka yihiin. Sharcigaas aan qornayn ayaa u oggol in ay inta ay doonaan maqnaan karaan, sabab iyo sabab la’aanba, iyada oo aanay jirin cid og ama cid aan ogayn oo ka wardoonta. Sharcigaas aan qornayn ee la isla ogyahay ayaa maamulaha u oggol in uu sida uu doono u garaaco ama u ganaaxo ardayda; Wuxuu garaacayaa arday haddii waalidkii u yimaaddo aanu macluumaad ka siin karin; macluumaad ku saabsan heerka aqoontiisa, heerka habsankiisa, heerka akhlaaqdiisa iwm. Maya, halkan looma baahna in waxaas la ogaado. Ha is dhibin. Halkan waxaas looma furin ee ha daalin. Meeshan maamuluhu shaqo keliya ayuu yaqaannaa; shaqo kasta oo uu ardaygu ganaax ku mudan karo u tilmaan isaga ayaa sidii ey gaajaysan oo laf loo tuuray hawada ku duban doonee!

*****

Toddobaadkii hore goor barqo ah, isaga oo ku jira fasalkii oo sidii caadada u ahayd kursiga iyo miiska iska dul hawaara, waxaa goobtii iskuulka isa soo taagay odaygii dhalay. Waa Aabbihii Xaaji Diiriye. Odaygu markii uu kadinka soo dhaafayba wuxuu toos u tagay xafiiskii loogu tilmaamay in maamulku joogo, dabadeed bariido ka dib wuxuu sheegay ujeedkii socodkiisa. Wuxuu u sheegay in wiilkiisa oo halkan dhigta (inta uu magaca iyo fasalkaba sheegay) uu u socdo sidii macluumaad ku saabsan waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa loo siin lahaa. Maamulaha mar haddii magaca odaygu sheegay ku cusbaa, maadaama sharcigii dahsoonaa ee ganaaxa iyo ciqaabtu aanay weli magacan galaafan, xusuustiisa wuu ka baadhay laakiin wuu ka waayey, dabadeedna wuxuu amray in fasallada siddeedaad ee odaygu carrabka ku dhuftay laga soo yaboohiyo oo xafiiska la keeno, si uu wajigiisa u arko dabeedna uga warbixiyo, xumaan iyo samaanba. Markii yaboohintii lagu soo heley ardaygan ee uu isa soo taagayba, maamuluhu wuxuu si badheedh ah ugu yidhi odaygii: “Ma ninkan ayuu ahaa ninka aad ii sheegaysay? Kan ma aniga ayaaba arkay xaaji… Malaha kani iskuulka ma dhigto. Ninkan hawlo kale oo aan waxbarasho ahayn maad u dirtid, mid wax baranaya uma egee!” Dabeedna dhirbaaxo cadhaysan oo ka timid waalid ka cadhooday inankoodan xumaaday ayaa dhabanka ka qabsatay ardaygan: BAB!

Markii uu sidan maamuluhu macluumaadkan qiiq isku qarinta ah ardayga uga bixinayey, cid uu kala tashaday ma aysan jirin. Macallin iyo macallimiintoona waxba kama uu waydiin. Liiska xaadiriska ee fasalka kama uu baadhin. Buugga darajooyinka imitixaanaadka ma uu eegin. Looma baahnayn in buugaagtaas iyo waraaqahaas la isku mashquuliyo, waayo buugaag kale iyo liistooyin kale ayaa jira oo la iska baadho: Buugga ganaaxa iyo gardarrada, kaana kuma uu jirin. Malaha waa halkaas halka laga raacay yarka.

                                                ***

Faahiye ma aha oo keliya baraha af-somaliga dugsiga ee sidaas oo kale waa khasnajiga maamuluhu sida aadka ah ugu kalsoon yahay. Waa aftahanka golaha macallimiinta dugsiga. Waa af-maal ku xeeldheer adeegsiga kelmedaha hadba ku habboon qudbadaha dugsiga oo ku sargo’an marba ujeeddada uu ardayda kala hadlayo ee u hortaaganyahay.  Waa ninka keliya ee awood buuxda u leh in uu ardayda si fudud uga qosliyo ama uga qiiraysiiyo. Isaga weeyaan ninka furi kara qasnadaha loo maaro waayo ee maamuluhu aaminsan yahay in ay ku aasan yihiin guryaha ardayda. Macallinkani wuxuu muddo gaaban gudaheed ku ururin karaa qaadhaan xad dhaaf ah oo aan qayrkii heli karin. Waa nin wejiyadiisa badani u saamaxeen in uu hawlo bato; hawlo badnidaasna waa nin dheeraad ku hela. Si kasta oo macallimiinta dhiggiisa ah maamuluhu u dayriyo oo u qadiyo isagu waa kii aan ku ag gaajoon ee lufluf iyo dufan ka ag hela. Macallinkan af-shaxanka ah ayaa dhawaan fasalka sheeko u weriyey, sheekadaas oo araar u ahayd nuxur ujeedkiisu ahaa qaadhaan ururin wuxuu biyo dhaceedu u dhignaa:

Berigii hore ee magaaladu koobnayd, ee aanay waxan oo ilbaxnimo ahi jirin, magaaladu may lahayn meheredo timaha jara, sidaa darteed reer magaalkii koobnaa ee magaalada ku dhaqnaa mid kasta oo timuhu ku baxaan inta uu nin xirfaddaas ku fiican u yeedho ayey meel bannaan oo magaalada ka yar baxsan isula bixi jireen, hadhaw iyo marka hawshooda loo fuliyana wax yar oo mushqaayad ah u laabi jireen. Isla xilliyadaas waxaa jiray laba Nin oo saaxiibbo ah oo ku jiray bulshadaas kooban ee magaalada ku dhaqnaa. Rag isku mid ma wada ahee deetana mid ka mid ah ayaa isu arkay in uu xirfaddan ku fiican yahay, deetana mar kasta oo saaxiibkii timuhu ku baxaan meel kale iyo cid kale ma uu raadsan jirine saaxiibkiisan uu gacantiisa fadhida farsamadeeda xirfadeed ku kalsoonyahay inta uu u yimaaddo ayuu ka dalban jiray adeeggan timo jarista ah, deetana marka uu isna timaha guudkiisa laga daadiyey korkiisa ka hurgufo wuxuu saxiibkii baqshiish ahaan ugu fidin jiray waxoogaaga jeebkiisa maalintaas ku jira, oo tiro ahaan ku xidhan hadba karaankiisa iyo dakhligiisa maalintaas. Muddo marka ay arrintaasi sidaa ahayd ayuu maalin maalmaha ka mid ah kii timaha loo jari jiray u yimid saaxiibkiisii timaha u jari jiray, si uu hawshii tima jarista ugu fuliyo. Laakiin maalintani waxay maalmihii hore ee badnaa kaga duwanayd labada nin oo midba dhankiisa busaaraddu si xun u dhabannaanisay. Markii la isku yimidba ninkii xirfadda lahaa, oo judhiiba iska fahmay ujeeddada saaxiibkiisan timuhu ku baxeen u socdo, ayaa baahidiisii la badheedhay oo yidhi: “Saaxiib, maanta shan gambo ayaan kaaga baahnahay, ee mayada waan ka dhintaaye marna hay maqashiin.” Saaxiibkii oo aan horena wax uga hagran jirin imikana wax uu ka hagrado aan jeebkiisa ku hubin ayaa isna jawaabtii la badheedhay: “Saaxiib, maanta laba walba isa saaray, oo buur iyo banaanba jafay, oo waxba ima ay soo gelin ee bal horta intii yarayd iga daadi.” Cadho jeeb madhan ka kacday iyada oo ay jirtay haddana xirfadlihii kuma uu dhiirran in uu cadho u muujiyo saaxiibkiisii muddada badan wax u soo taagi jiray yaraan iyo badnaanba.

Haddana jirtoo aanu cadhadiisa carrab ku muujin wuxuu u muujiyey si ka duwan. Markii uu makiinaddii yarayd iyo shanladii isku sidkanaa faraha ka buuxsaday sidii caadada u ahaan jirtay, maanta si ka duwan wax biyo ah kumuu saydhin madaxii hoos fooraray ee xiirashada u dabranaa. Taas beddelkeeda gacan naxariis ka madhan ayuu si kulul oo degdeg ku jiro u dhex muquursiiyey hooliftii hor taallay, dabadeedna madaxii xanuusaday afkii ka jeexnaa ayaa xanuun awgii taahay: “AAA! Waar saaxiib bahashu ma raawis baa xanuun kululaa maanta?” kadibna jawaab hunguri hagayo ayaa tidhi: “Waar sug sug, soo adiga HOO lagaama waayin…HOO ayaa lagaa waayey ee adkayso waar!”

“Duco wadaad wax keen baa u dambaysa” ayaa hore loo yidhiye, markii baruhu subaxaas sheekada dhammeeyey wuxuu ardayda ku canaantay gacan gudhni iyo hoo la’aan. Waxaanu u sheegay in ay u kacaan sidii laba maqsin iskuulka loogu soo kordhin lahaa, jeebkana loo huri lahaa.

Subaxaas wiilka aabbihii dugsiga isa soo taagay waxa marag ma doon ahayd in meel fog oo maanka maamuulaha mamay ku taallaa ay hoos u lahayd “kan yar soo isaga hoo lagama waayin, maxaa heerka waxbarashadiisa, edebtiisa iyo xaadiriskiisa naga saaran… Waar waa nooca hoo laga waayey yarkuye warkiisa dhaafa, annagaa kaas oo kale sida warkiisa looga jawaabo naqaanne”.

*****

Deeq Xaaji Diiriye waa ninka fassalkooda ugu akhlaaqda wacan, ugu af-gaaban sidoo kalena ugu joogista badan. Fahankiisu ma xuma, waxaa se dedaalkiisii hafiyey oo saamayn xun ku yeeshay tayo xumaanta dugsiga oo uu arday kala siman yahay. Marka uu imtixaan maqlo ayuu buugga kala furaa, subaxa imitixaanka uu u fadhiistana horta warqad madhan ma gudbiyo, sax iyo qalad wax uu ku xariiqaba. Qishka iyo qooraansiga in kasta oo uu belo ku qabo haddana ma aha ka ugu xariifsan ee waa wax uu ka arkay ardayda fasalkiisa. Subaxa dugsigan wax imtixaan lagu sheegaa ka bilaabmo ma jiro arday xariif ahaan iskugu kalsoon, mana jiro macallin ku faraxsan in uu sidii ugu fiicnayd ardaydiisa wax u soo baray. Maalinkaas fasalku waa goob dagaal oo uu macallin wax hakraday waardiyeynayo arday sidii bisad jiir gaadaysa qish- qadhaabsi digtooni ugu jira.

***

Shaqo ka tagista iyo shaqo soo gelista xad dhaafka ah ee macallimiinta dugsigani waxay gaadhay heer aanay ardaydu isku hawlin barashada magaca macallinka maadaama uu berri ama saadambeba mid kale soo waydaaran doono, kanina iska tegi doono. Maqnaansha joogtada ah ee macallimiinta ayaa sababtay in mararka qaar ardaydu inta ay soo kallahaan haddana iyaga oo aan wax xarriiqin iska rawaxaan. Waa arrin dhibteeda leh. Dhibaatadaas soo noqnoqonaysa waxa xal u raadiyey fasalka uu Deeq dhigto. Waxay xal u arkeen in iyagu ay is maaweeliyaan oo wehel isu noqdaan. Is maaweelintaas waxa ka dhalatay in qayb ka mid ah ardaydu ay riwaayad jilis iyo heeso tirin u dhaqaaqaan. Sidaas waxay ardayda badankeedu u arkayeen in ay tahay dawo ay kaga hortagi karaan caajiska iyo cuqdad nafsiga ay kala kulmayaan darsi la’aanta dilootay ee dugsiga.

Waxa fasalka caan ka noqday xiddigo majaajillada iyo heesaha ku caan baxay. Waxa aad loo jeclaystay oo sida bunka ardayda u qabtay codka toolmoon ee Shoodhe-Gurro oo marka uu qaadayo heesaha Cabdi Tahliil aad moodaysid isagii oo halkan taagan. Shoodhe-Gurro codka oo keliya ugama eekayn Cabdi Tahliil ee sidoo kale xitaa wuxuu ka meteli jiray qaab ciyaareedka uu fannaankaasi caanka ku yahay ee inta uu qaybta bidix ee jidhka gundhiyo qaybta midig aanu wax dhaqaaq ah dareensiin. Wuxuu badanka ku luuqayn jiray heesaha fannaankaas heer ay ardaydu u baxsheen ‘Ina Tahliil’. Gurro wuxu badanka jecel yahay in uu qaado heesta tidhaa:

Sida faras bullaaloo, Aan xaaluf aragoo

Nugaal xays ka daaqoo, Baruur dhabarku xoodmoo

Ama xallin fadhiya oo, La xannaanin jirayoo

Xudduntiyo feedhaha, Farawgu uu xardhoo

Oo xuub dhacsadayoo, Sayntu dhulka xaabtoo

Oo aan xajiiniyo, Weli mudan xasiiqoo

Oo xariirta shaalkiyo, Xakamihii la sudhayoo

Koore loo xambaaroo, Xogogaale fuuloo…

Oo xuufta booddada, xawaaraha la yaabboo

 Oo aan orodka xiiqayn, qaar baa xarraamee

Marka aan xaggaagiyo, xubnahahaaga eegaba

Xiisoodayeey…..xadantoodayeey!

Wiilkan oo heesaha uu ku luuqeeyaa ay ahaayeen kuwo garnaqsi jacayl iyo calaacal u badan waxa in badan dhacday in lagu xanto in uu dareen jacayl u hayo gabadh fassalka la dhigata; xantaas oo qudheedu aad u faaftay oo markii ay gaadhay gabadhii in la jecel yahay loo tirinayey wixii ka dhacay dugsiga oo dhami u soo joogay, qof walbana halkiisa ugu tagtay. In kasta oo uu laftiisu markii la warsaday wax badan dafiraad iyo inkiraad la soo istaagay haddana heeso duurxul ah oo uu fasalka la hor iman jiray ayaa markii la fasiray qudhoodu sii xoojiyay dareenkii hore looga qabay jacaylkiisa. Wuxuu marar kale qaadi jiray heeso tabasho iyo tawaawac ah oo diidmada gabadha uu kaga jawaabayo, kuwaas oo laga xusi karo hees kale oo uu isla fannaankaasi odhanayey:

Jir-jirkiyo dartaabaan

Jeegada u aallaa

Jalkii qaadan waayaye

Sidaan kuugu jeelee

Jirro ii haleeshee

Naftu kuu jeclaatiyo

Sidaad iiga jeeddaa

Isku jaadba maaheee!

Maalinkii ugu horreysey ee uu odayga dugsigu ka war heley ismaaweelinta fasalkan aad ayuu u soo dhaweeyey oo ugu hambalyeeyey. Maalinkaas fasalka iyo ardayda hortooda ayuu ku muunsooday oo dhoollacaddeeyey. Waxaaba ay u ahayd ardayda markii koowaad ee ay arkaan foolasha sare ee maamulaha. Farxadda ay ka arkeen odayga waxaabay qaarkood u fahmeen in hawshan heesaha iyo ruwaayad jilista ee uu maamuluhu ku farxay ay tahay wax ka wanaagsan oo ka muhiimsan hawlihii wax dhigasho ee ay marka hore u yimaadeen. Odaygu waxa uu ku boorriyey fasalkan in ay halkaas ka sii wadaan arrintaas, isla markaas wuxu sidoo kale ku amray fasalladdi kale in ay ku daydaan arrintan cusub ee uu fasalkani dugsiga u horseeday ee uu ku soo kordhiyey. Maamuluhu wuxuu u arkayey hawshani in ay tahay mid aad muhiim ugu ah kurisigiisa, taas oo wax ka tari karta cabashada badan ee dersi la’aanta iyo macallin la’aanta ah. Wuxuu isku qanciyey in ay tahay hawl ka jeedin karta ardaydan sidii bambo lingaxan maalin uun cadho la qarxi doonta, ee galaafan doonta xukunkiisa. Wuxuu is tusay in ay tani meesha ka saari doonto kacdoon kasta oo lid ku ah taladiisa iyo xukunkiisa. Waana sababtaas midda uu ugu dhiirigelinayey ardaydu in ay is maaweelinta sii wataan.

Ardayda iyo is mashquulintooda waxa haddana ka dhashay fikir kale. Subax badwayn faneed ay dhex jibaaxayaan ayuu mid ka mid ah ardaydu soo jeediyey in ay safar dhanka xeebta ah u baxaan, fikirkaana badiba ardaydii fasalku way soo dhaweeyeen. Dood iyo falanqayn ka dib waxaa la isla gartay in safarka loo diyaar garoobo oo lacag si degdeg ah la iskaga guro, arrinkana maamulaha lala socdsiiyo, sidii baana la yeelay. Haddiiba maamulkii lala socodsiiyeyna wuxuu shuruud ka dhigay maadaama uu isagu masuul ka yahay dugsiga in lacagta la ururinayo isaga lagu soo hagaajiyo si uu isagu iskugu dubbarido hawlaha safarkaas daruuriga u ah. Hawraarsan baana la yidhi. Hantidii la guray waxaa farta laga saaray maamulihii dugsiga, waxana loo ballamay maalin cayiman iyo safar dalbarasho iyo dalxiis ah, dabadeedna waxaa timid oo la gaadhay aroortii tilmaannayd; waa aroortii la baxayey.

Waa subax hore oo sabti ah; sabti ula dheer. Waa sabti ka mid ah sabtiyo badan oo Deeq Xaaji Diiriye cadceeddu ugu soo baxday barxadda bannaan ee dugsigan. Laakiin sabtidani xusuus gaar ah ayey ku leedahay. Waa sabti uu soo dhawaynteeda u diyaar garoobay maalmo ka hor. Shalay badankeeda wuxuu ku hawlanaa qabanqaabada iyo diyaarinta wixii uu uu safarkaas uga baahnaa. Wuxuu si ka duwan sidii hore isaga oo aan cid kale ku aaminin uu gacantiisa si aan hore loo arag ugu nadiifiyey dirayskii dugsiga, shaadhkii caddaa iyo surwaalkii kaakiga ahaa. Casarkii markii uu hubsaday in dharkii uu wadhay ay qallaleen ayuu haddana kaawiyad la beegsaday oo u eekaysiiyey sidii maalintii uu soo gatay ee uu bacda ka furay. Markii uu diyaargaraw dhammaystay ee uu hurdo u holladayna xalay oo dhan wax aan safar ahayn maskaxdiisa waa kaa ka waayey. Bad aanu weligii dhaayo saarin oo hore sheekadeeda uu dhegaha uga bawsaday in ay cirka midabka ka shabbahdo waa kan maankiisa ka saari kari la. Buuro xidhiidhsan iyo laami dheer oo is dhinac ordaya illaa ay baddaas ku dhammaadaan waa kan sawirtay. Waa tan maankiisii ay mirteen hummaagyo sida filimka isku bedbeddalaya oo ka soo fulaya sheekooyinkii dadkii safarkaas hore u galay ay uga sheekeeyeen. Waa taas hurdo ku soo dhici wayday ee rogrog u dhammaaday. Goor amintu saqdii dhexe dacalka saartay waa kaas gataati dhacay. Deetana waa kaas haddana ku toosay eedaankii daakiraada subax.

Xiise uu u qabo safarkaas dartii salaaddii subax markii foodda laga qaaday ayuu dirayskii isku taagay, quraac iyo sugiddeeda samir uma hayne, wuxuu toos ugu jeestay jihadii dugsigu ka xigay, deetana isaga ayaa noqday wiilka ugu hor galay kadinka dugsiga. Subaxaas busayl uu safarkaas xeebta u qabo darteed wuxuu gaadhay heer uu cadceedda iyo waaga ku canaanto gaabis iyo wahsi. “Waagow dhakhso oo cadceedyahay warmaha ku dillaaci dhabbaha” ayuu qorraxda ku amri lahaa haddii ay qof tahay. Wax uu sidaas ahaado oo kolba arday kale oo kadinka ka soo galaya muuqiisa jecleystaba, waxa uu ugu dambayn xaqiiqsaday in ardaydii dhammaystirantay ee waxa la sugaaba tahay maamulihii iyo gaadiidkii ardayda qaadi lahaa. Wax la sugaba waxaa haddana goobtii isa soo taagay maamulihii iyo laba bas oo midkiiba qaadi karo Shan iyo labaatan arday oo keliya. Markii xaadiris lagu fuulay labadaas bas ee ay buuxsamayeen, ardayda dhulka taagan ayaa weli ka badnaa kuwa baska saaran. Welina waxay ardaydu quuddaraynayeen gaadiid kale. Ardayda liiska xagga dambe kaga jirtay ee basas kale sugaysay ayuu Deeq-Yare laftiisu ka mid ahaa.

-“Maamule, basaskii kale goorma ayay inoo imanayaan?” waxa sidaas odaygs waydiiyey mid ka mid ah ardaydii dhulka taagnayd.

-“Bas maxay ah? Oo anigu ma basaska magaalada oo dhan ayaan idiin soo kiraynayey adeer? Labadaas bas ayaan idiin keenaye haddii uu kaa buuxsamay dee orod oo gurigiinnii qabo!” ayuu isaguna si bilaa mushkilad ah iskaga yidhi.

Jawaabtaas maamulaha ayaa ardaydii dareen xun ku abuurtay, filashadoodiina hal bacaad lagu lisay ka dhigtay. Waxa sidoo kale abuurmay guux baqe ku lammaan yahay oo garnaqsi u badan. Weli se dareen celintii maamuluhu halkeedii kama gudbin, waxaba ku kordhay hanjabaad, gooddis iyo goolaaftan. “Wallaahi in aan ul idinka badin haddaan mar dambe guux iyo edeb darro idinka maqlo. Idinku i suga haddaad wax kale isku arki waydaan marka aan idinku soo noqdo wasakh yahay xunxumi!”

Xilliga uu sidaas uga jawaabayo garnaqsiga kuwii safarka u xaqa lahaa waxaa fajaciso iyo yaab lahayd in maamuluhu si u kas ah uu baska u saaray wiilkiisii curad oo aan isagu ka mid ahayn fasalka dalxiiska u guntaday ee qaadhaanka iska ururshay. Wiilkaas eexda iyo xigtaysiga ku yimid wuxuu fadhiyaa kursi aanu geedna u soo marin oo uu kii lacagta ka bixiyey ee u soo hurdo beelay ama uga mudnaa dibadda ka joogo. Dhammaan ardaydii dhulka taagnayd waa kuwaas indho dulman ku eegaya wiilkan awoodda aabbihii meesha ku yimid.

Muran iyo gunuus ka dib waxaa qasab lagu dhaqaajiyey labadii bas, waxaana eegmo gudhan iyo dareen cawri leh ku sii sagootiyey arday quus ka joogsatay in ay safarkaas saami ka helaan.

***

 Wixii ruux ba’iis ah ayaa mid kale badhaadhihiis ah. Isla markii ay libdheen baabuurtii ardayda u gelbisay dhanka dalxiisku, waxa goobtii isugu soo hadhay arday gadoodsan iyo dhawr macallin oo dugsiga ku hadhay. Macallimiinta soo hadhay waxa ka mid ahaa bare Faahiye oo isagu si fiican ula socday wax kasta oo imika dhacay ama horeba u soo dhacay. Macallin Faahiye isaga oo fursaddan u arkaya tii uu abidkii sugayey wuxuu si hoose isugu yeedhay dhammaanba ardaydii cadhaysnayd. Isaga oo ka faa’idaysanaya tiiraanyada iyo ciilka ay u qabaan ardaydani maamulaha wuxuu ugu baaqay oo ku shiriyey meel leexsan oo ka yar dahsoon indhaha macallimiinta kale oo intoodii joogtay dugsigu ay ku hawlanaayeen xiisadaha fasalladooda.

Markii ay isu yimaaddeen wuxuu faray in ay xaqooda ka maqan arday ahaan u raadsadaan. Wuxuu u sheegay in macallimiin ahaan aanay dulqaad u yeelan doonin dulmi dambe oo uu ku kaco maamule ku sheegga dugsigani. Waxa kale oo uu faray in qaabka ugu habboon ee ay kaga aarsan karaan daaquudkani uu yahay iyaga oo isla maantaba cabashadooda la hortaga cidda ay khusayso arrintani ee tallaabada ka qaadi karta xukunkan xumaaday. Isla goobtaas wuxuu ka dhiibtay badheedhihiisa isaga oo sheegay in marka xukunka laga rido maamulaha ay tallaabadooda labaad noqoto sidii ay ugu guntan lahaayeen isaga (Faahiye) sidii maamule looga dhigi lahaa.

Fikir dheer uma ay baahnayn arrinta uu Faahiye soo jeediyaye, judhiiba ardaydii waxay mudaharaad cabasho iyo gadood ah la hortageen xaruntii dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo ay ku canaanteen dayac iyo moogganaan. Waxay ku haaraameen in aanay duruuftooda iyo duruustooda midna waxba ka ogayn wasaarad ahaan. Taas waxaa ka garaabay ciddii arrinkooda qaabbilsanayd kuwaas oo iyaguna u ballanqaaday in ay baadhitaan buuxa samayn doonaan, sida ugu dhakhsaha badanna u iman doonaan dugsiga waxna uga qaban doonaan cabashada ardayda.

***

Maalmo badaniba kama ay soo wareegin ka soo noqoshadii safarka markii aroor uu duqu sidii caadada u ahayd hanjabaad iyo dullayn la hortaagan yahay ardayda ay kadinka ka soo galeen madaxa dugsiyada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo koox uu hor kacayo, oo hawlo baadhitaan u socda. Markii ay isa soo taageen goobtii uu maamuluhu ardayda kala hadlayey, ka hor intii aanay bilaabin in ay ardayda si toos ha u xaal waraystaan, waxay ugu horreyn bilaabeen in ay maamulaha waydiiyaan su’aalo toos ah oo dab ka kulul.

-“Maamule, buugaagtii manhajka cusub ee dhawaan dugsiga laguugu soo dhiibay ardayda ma u qaybisay?”

 –“Haa, waa anigii qaybiyey beri hore, maxaa soo dhigay kuwaas…

Guux iyo gunuus baa ardaydii ka dhex baxay… Wuu iska hadlayaa… oo yuu siiyey dee! Ayey hoos u wada yidhaahdeen.

 Intaas ka dib Madaxdii waftiga ayaa is wayddiisay waxa ay ardaydu la guuxayaan, kuwaas oo soo jeediyey: “midkiinow si fiican u hadal” kadibna Mid ka mid ah ardayda ayaa hadalkii la wareegay oo yidhi:

-“Annaga dee wax buug ah oo na loo qaybiyey ma jiraan, meel lagu hayana maanu arag ee cidda uu siiyey ha sheego.”

Markii ardaygu uu intaa yidhi ayaa buuq iyo sawaxan dugsigu isla oogsaday, iyaga oo ku qaylinaya hadal nuxur ahaan u dhigan: “waa runtiissa ee buugaag maanu arag nalamana siin!”

Subaxaasi wuxuu ardayda ugu suntanaa aroortii xaqa iyo baaddilka kala dhigtay ee daalimka iyo dulmanaha kala soocday.

Laba caanomaal ka dib, waa kaas maamulihii jeelka ka dhex calaacalaya ee maxbuuska ah halka macallin Faahiyana isku ruxayo kursigii saaxiibkii laga dayriyey. Adduunyooy waayo badan!

Markii imtixaanka dugsiyada dhexe lagaga gudbayey la galay, ee fasax saddex bilood ahna lagaga nastay, ee haddana fasax dabadii lagu dhawaaqay natiijada, isagu, maamulaheenii shalayto ama maxbuuskeenna maantu, wuxuu  marayey imtixaan kale oo ay barayaal ka ahaayeen takfi, dukhaan iyo injir, oo askari qallafsani maamule u yahay kormeeruhuna garsoore aan gefka aqoon uu ugu magacaaban yahay.

‘’Ayax tag eelna reeb’’ ayaa hore loo yidhiye, markii natiijada la soo dhejiyey ku dhawaad saddex dalool aradaydii dugsiga dhexe ka gudbaysay way daateen oo guul darraysteen. Kuwii guul darraystay waxa ugu horreeyey Shoodhe Gurro, kuwa faro-ciddidood ku guulaystayna waxa ka mid ah Deeq-Yare.

 

***

Xagaa kulul oo bisha ogos bilaw tahay, goor duhur ah oo cadceeddu dubka wixii nool saloolayso, waxaa badhtamaha magaalada bas ka fuulay Deeq oo ka soo noqday waxbarasho uu dalka dibaddiisa dhawr sano ugu maqnaa. Baska oo madhnaa awgeed wuxuu fadhiistay mid ka mid ah kuraasta dhanka darawalka xiga. Intii uu sugayey in uu basku ka soo buuxsamo wuxuu isku mashquuliyey buug sheeko ah oo jaamacaddii uu dhiganayey uu kala yimid. Deetana cabbaar ka dib baska ayaa si habqan ah iskaga soo buuxsamay ka dibna dhaqaaq u holladay. Haddii baska buuxsamay dhaqaaqay oo uu waxoogaa socday waxaa uu ku baraarugay hadallo taagtaagan oo ka soo yeedhaya dhanka kirishbooyga oo isagu lacagta uu gurayo ka sakaw buuq iyo farataag ku shuqlan. Hadallada uu ku soo jeestay oo qaannabaad u badan waxay ka soo yeedhayaan wiilkaas oo madaw iyo uskag la ciiraya, taqsiinta daankiisa ka soo kuusan awgeedna hadalkiisa dirqi iyo tu xun lagu fahmayo:

“Iga walla haddaad dhimanayso in aan boqol lagaa dhimayn ee soo dhamaystir bahasha” ayuu qofkaasi ku dagaalayaa islaan waayeel ah oo diifaysan oo fadhida kursi albaabka u dhaw oo iyadu goorahanba ku calaacalaysay in aanay haysan shilimaanta ka dhiman lacagta baska ee laga rabo in ay soo buuxiso. Deetana intii aan muranka wiilku go’in waxaa isna kursiga gaadhiga laga wado madaxa ka soo laliyey qof aad muuqaal ahaan ku murmaysid in uu gubtay oo indho casaanta iyo ilko madoobaanta aad is waydiinaysid qaabka dunida sidaa loogu cadaabay uu uga soo samatobaxay. Isna ku ye:

“Waar lacagta noo gur haddii kale kufurtu billaahi taada ayey ka go’an tahay!”

Dad wanaagsan ma dhammaado’e intii aan islaantii dibadda loo tuurin ayaa mid ka mid ah rakaabku ku qayliyey: “Waar iimaanka diyaarad la idinka saarye hoo inta ka dhiman qaado oo nafihiinna u tudha, oo waad gubateene is bakhtiiya!”

Balaayo waa tii kaa yaabisa. Markii Deeq uu ka bogtay wajiyada dadkan, daqiiqadihii ugu horreeyey wuxuu ku qaatay fikir iyo shaki is barkan. Waar malaha waa iyagii? Iyagee dee?

Garay oo guddoonsay wiilku in uu yahay barbaarkii ay isku fasalka ahaayeen ee Shoodhe-Gurro. Waa ninkii fasalka maaweelin jiray oo ka dib markii uu waxbarashadii dugsigii dhexe ka dhacay dunidan kulul soo magansaday. Kan kalena, waa duqii maamulaha soo ahaan jiray oo laftiisu markii uu laba sano u xidhnaa eedo musuq iyo lunsi hanti qaran ah dabadeed dib ugu soo laabtay shaqadiisii uu xirfadda u lahaa ee darawalnimada; Shaqadaas oo uu ku xoogsan jiray ka hor intii aan wasiir qabiili ah oo ay isku reer ahaayeen aanu u magacaabin maamule dugsi dhawr sano hortood.

Cajaba Rabbi! Waar illeen tan oo kale. Wiil iyo ninkii aabbihii dilay maxaa is daba dhigay! Waar ninkii mustaqbalka yarkan aasay iyo kii laga aasay maxaa isla soo doontay?

Mawjadaha cartamaya iyo hirarka is legdeya ee waayaha iyo duruufta ayaa labadooda ama saddexdoodaba maanta halkan ku soo tuuray oo xilligan isku beegay isuna keenay.

Darawal ku sheeggu inta uu midh sigaar ah iska shitay oo bac hortaallay qori jaad ah ka siibay ayuu rikoodhkii baska oo cajalad hees ahi ku jirtay tiigsaday oo iska dallacday; rakaabkuna weligoodba ha iska qayliyaan: Waar sigaarka naga bakhtii…waar heesta naga bakhtii…Alla waar naga bakhtii oo Alle ka baqo oo na ixtiraam…Inkaar Alle kugu rid. Oo ma Nin habaar ka baqayaa. ‘Ha karaama seegina habaar la igu Kari waaye!’’ Kamaba qasna oo Kan lala hadlayaaba isaga ma aha. Heestiisaas ayuu iska dhagaysanayaa, jaadkiisa iyo sigaarkiisana kolba isku yar kabbanayaa. Shidanaaba shidan! Ereyada heestuna waxa aad mooddaaba in ay dareenkiisa iyo shakhsiyaddiisa wax inooga sheegayso:

“Miyaan ladnaanayaa

Miyaan liibaanayaa

Soo qudhun i laasimay

I leelleellin maayo!”

 

Faysal Jaamac Geelle

Hargeysa, Somaliland.

 

Sidiiq52@gmail.com

Comments are closed