Wufuud Tiro Badan Oo Si Xawli ah ugu Qulqulaysa Garowe Oo Berri ay Ka Dhici Doonto Munaasibad Ballaadhani Iyo Dalalka Jaarka Oo Cid U soo Diri Doona
Garowe:23-Jan-2014(SDN)-Waxa Dhaqdhaqaaqyo badan laga Dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Oo Maalinta Berri ah lagu qaban doono Munaasibadda Caleemosaarka madaxda Cusub ee Puntland.
Maanta Oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Garoowe ay gaadhaan wafuud ka kala socota Maamulada Juba, Ximan & Xeeb, Galmudug, & dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo aan wali la shaacin waftiga ay Garoowe u dirayso cida hogaamindoonta.
Wararka ilaa iyo Hadda soo Gaadhaya Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Maadxwaynaha Juba Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe & wafdi oo hogaaminayo ay Kismaayo Maanta kasoo duulayaan Diyaarada ay la socdaana ay Garoowe ka dagi doonto.
Dhinaca kale Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa shalay galinkii danbe waxaa soo gaadhay wafdi uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Ximan & Xeeb oo ku Casuman Caleemosaarka iyadoona Maanta oo Khamiis ah uu Safar dhinaca Dhulkaa garoowe ku gaadhi doono, waxaana Mar uu Xalay la hadlay warbaahinta uu sheegay in ay rajaynayaan Puntland, & Ximan & xeeb oo yeesha Xidhiidh wanaagsan.
Wafuuda ayaa ka iman doonta Wadamada Darsiska oo Dalka Itoobiya ugu horeeyo, sidoo kalena waxaa Jiri doona Danjirayaal kasoo qaybgalaya Caleemosaarka, iyadoona Dawlada ay haatan diyaarisay dhamaanba goobihii ay dagi lahaayeen dadkaasi Martiada ah ee Magaalada garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland isugu tagaya.
Amaanka Garoowe ayaa siwayn loo adkeeyay iyadoona Ciidamadu ay baadhitaano xoogan ku Samaynayaan gaadiidka Garoowe galaya & kuwa kabaxayaba.
Munaadibaddan ayaa lagu wadaa inay Noqoto mid aan hore uga dhicin maamulka Puntland, waxana Maalinta Berri ah uu Madaxweyne Cabdiweli si Rasmi ah markii ugu horraysay ula wareegi doonaa Xilka Madaxweynenimo ee Maamulkaas oo uu muddo Afar Sano Caynaanka u soo Hayey Madaxweyne Faroole oo Duruufo badan kaga soo dabaashay Hal Adaygnimo.
S.D.N