|

Kooxda Al-shabaab Oo Habeenkii Xalay Madaafiic ku Tuurtay Goobo Xaasaasi ah Oo Ku Yaalla Magaalada Kismayo iyo Warwar cusub oo Maamulkaas Soo Foodsaaray

Kismaayo:23-Jan-2014 (SDN)-Kooxaha islaamiyiinta ah ee Alshabaab ayaa Maalmahan dambe  Faro Baas ku haya Magaalada Kismayo iyo Deegaanada ku xeeran.

shabshabi Kooxahan ayaa habeenkii xalay weerar culus ku ekeeyey magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, waxana ay halkaas ku tuureen Hub culculus ee waliba ay la Eegteen Goobo Xaasaasi ah.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa  sheegaya  in Tiro madaafiic shi  ay ku dhaceen xarunta Jaamacada oo ah goob la dajiyo diplomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta soo booqata magaalada Kismaayo, isla markaana aad loo ilaaliyo.

Waxaa kaloo wararka ay lee yihiin marka loo eego hoobiyaasha ay soo tuureen Al-Shabaab, waxaa ka badan kuwa ay ugu jawaabeen maamulka KMG ah ee Juba iyo ciidamada AMISOM.

Waa habeenkii labaad ee la soo weerraro magaalada Kismaayo, waxaa habeen horre Al-Shabaab ay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Juba iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Xaallada magaalada Kismaayo ayaa saaka deggan in kastoo dadka ay hadalhayaan madaafiicda habeenkii xaley laga maqlay magaalada.

Wali si fiican looma fahmin sababta ay kooxdani habeenkii labaad oo is xiga u weerartay magaalada Kismayo balse waxa la Tuhunsan yahay inay uga jeeddo  farriin ah inay xoog ku leedahay deeganadaas, isla-markaana ay weerari karto goobaha sida weyn loo ilaaliyo ee magaalada ku yaalla.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed