Guuleed Daahir Oo Aakhirkii Damiin Lagu Daayey iyo Xukuumadda Oo Diidday inay Caddayso Kiiska ay Ku Haysato
Hargeysa:23-Jan-2014(SDN)-Waxa Shalay Galab Xorriyaddiisa dib u helay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo Muddo Bil ku dhaw Xabsiga ku Sugnaa.
Wararka la Xidhiidha Sii Deynta Guuleed ayaa sheegaya in kaliya lagu sii daayey Damiir, walina si rasmi ah Xorriyad buuxda looma siinin.
Sii dayntiisa ayaa ku timi culays badan oo waxgarad iyo Odayaal ka tirsan Gobolka Togdheer ay saareen Xukuumadda, waxana ugu dambayntii la Ogolaaday in Damiir laga Qaado inta Kiiskiisa laga Gegogebaynayo.
Guuleed Daahir oo ah Nin Oday ah, isla-markaana Gobolka Togdheer caan ka ah, ayaa in badan xukuumaddani ku eedaysay inuu ka masuul yahay Rabshado xukuumadda lagaga soo Horjeeday oo Burco ka Dhacay, waxana ay taasi keentay aakhirkii la xidho, iyadoo aan kiis cad wali loo soo jeedin.
Guuleed Daahir ayaa lagu wadaa inuu u Baqoolo dhinaca Magaalada Burco oo ah halka uu ku noolaa, waxana la sheegayaa in Kiiskiisa Baadhitaan lagu wado oo natiijadiisa la sugayo.
Xurgufta dhex taalla xukuumadda iyo Guuleed Daahir ayaa keentay inuu Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji uu xilkii iska casilo Horraantii Bishan, waxana, Haatan Madaxweyne Siilaanyo Gobolkaas u magacaabay Badhasaab cusub oo dhawaan lagu wado inuu xilka la wareego.
Gobolka Togdheer ayaa intii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhalatay saldhig u noqday is qabqabsi iyo muran ka dhexeeya Beelaha wada Dega, waxana in badan ka dhashay Khasaare Nafeed iyo mid maalba.
S.D.N