Guddoomiye ku-xigeenka UCID oo ka Jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya:GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’UHU BEEN SHEEGAY!
Hargeysa Jan 23,2014(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka sadeaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Gurey ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas.
Cali Gurey ayaa hadalkiisan oo uu dhigay facebook waxa uu u qoraa sidan:
Somalia waxa la yidhaa Somalia. Midnimadeedu inay muqadas tahay in kale waxay u taalaa soomaalida Somalia. Lakiin marka ay tahay midnimada Somalia iyo Somaliland oo laga yaabo inay tahay ta Madaxwaynaha Somalia uu u jeedo wuxu u qalmaa in la yidhaa GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’ UHU BEEN SHEEGAY.
Somalia iyo Somaliland markii ay Lixdankii midoobeen ninka dhan ee madaxwaynaha sheeganayaa wuxu u haystaa inay ku midoobeen magaca Somalia oo ay noqdeen jamhuuriyadda Somalia. Waxa wiilka iskaga qaldan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed( Somali Republic) iyo Jamhuuriyadda Somalia (Republic of Somalia) oo aan sharci ahaan marna wax jiray ahayn. Ninka midnimada Somalia iyo Somaliland waa bilqasab lihi wuxu ku dhex nool yahay Beledkiisii isaga oo aan si xor ah ugu noolaan karin nabadgelyadiisu na ciidan shisheeye ihi masuul ka yahay oo aan cid kale isku aamini karin.
Midnimada Muqdisho xagiisa muhiim kama aha bal Somaliland daaye intii Somalia isku ahayd horta ma hayaa. Puntland hore ayay uga shubtay.
Jubbaland waa siday u tagtay waanu ku qasbamay inuu sideeda ku aqbalo isaga oon xataa federaalkii lagu doortay raali ka ahayn ee ka jeclaa inu ka dhigto Muqdisho booraan dacawo uu ku bakhtiisto Somali oo dhan.
Waxa ka daran Galmudug, xubin iyo xeeb iyo Ahlu suna wal jamaaca oo cidiisa ah oo aan iyagu na is ogolayn cid kale na ogolayn. Baay, Bakool, Gedo waxay wadaan inay ka tashadaan Muqdisho Shabeelada Hoose na waxay iska caabiyeen weeraradii is daba jooga ahaa ee ciidan reereedka dawladaysan ee Xasan Sheekh. Waxa hadhay saw Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo.
Muqdisho maaha? Haduu intaa hayn lahaa xataa wax bay noqon lahayd ba. Wiilku cidna ma hayo cid ka sii socota mooyee cid u soo socotaa na ma jirto markaa in lagu mashquulo maaha hadalkiisu na wax la tixraaco maahaa. Markaa xaalkiisu saw maaha, HABARTU IYADAYSKA HAWHAW LEHE INAGA HEELADEENA INOO TUMA.