|

Kooxda Alshabaab oo Maanta dhaqan Geliyay Go’aankii ay Ku Maanaceen Isticimaalka Internet

Muqdisho 22.Jan 2014 (SDN)- Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa maanta ka bilaabay deegaanada ay ka taliyaan ee Gobolada dalka Soomaaliya dhaqan gelinta go’aankii ay ku joojiyeen isticmaalka Adeega Internet-ka.

ban on internet in somaliaMaleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta gudaha u galayay xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta ee ku yaala degmooyinka Gobolada, iyagoo u kuur galayay in laga joojiyay isticmaalka adeega Internet-ka ee Mobile lagu isticmaalo, inkastoo aanu wali gaarin adeega xawaaraha badan ee Fibre Optic.

Wararka aanu ka heleyno degmooyinka Buulo Burde, Baraawe, Ceelbuur, Maxaas, Halgan, Diisoor, Baardheere iyo deegaano kale ayaa saaka waxaa ka bilowday dhaqan gelinta joojinta adeega Mobile Internet-ka.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkadaha Isgaarsiinta ay durba u hogaansameen, isla markaana bilaabeen xalay fiidkii inay adeega Internet-ka ka jaraan deegaanada falaagada Al Shabaab maamusho.

Qof ku sugan degmada Baraawe oo diiday magaciisa in la xigto ayaa u sheegay Warbaahinta in hada uu si toos ah u go’ay khadka, isla markaana uusanba jirin Mobile Internet oo hada shaqeynayo

Laakiin magaalada Muqdisho iyo deegaanada Gobolada dalka oo ay ku jiraan caasimadaha Gobolada ee ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya ayaan laga jarin Internet-ka, waxaana shirkadaha ay muuqdaan isku si u fuliyay amarada iska soo horjeeday ee dowladda iyo falaagada Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan isticmaalka adeega Internet-ka una hogaansamaan amarkii falaagada Al Shabaab, taa bedelkeed waxaa la faray inay xoojiyaan xawaaraha Internet-ka.

Sideedii bishan ayay aheyd markii falaagada Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ay ku mamnuucayaan in shirkadaha Isgaarsiinta ay joojiyaan isticmaalka adeega Internetka iyo Fibre Optic oo qorshihiisa yahay in hada laga hirgeliyo Soomaaliya, markii dhowaan dhanka badda la soo marsiiyay, lana keenay Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolada dalka iyo Muqdisho ayaa xiriirkooda dhinaca Internet-ka uu go’ay, gaar ahaan dadka jooga deegaanada ay ka taliyaan falaagada Al Shabaab oo aan hada kadib isticmaali doono adeega bulshada ku wada xiriirto ee Facebook iyo emailadooda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed