Hargaysa:Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo furay Carwo Ganacsi oo Maxali ah
Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN)- Madaxweyne xigeenka Somaliland, Xubno ka mida golaha wasiirada, Xildhibaano, madaxda Shirkaddaha Ganacsiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasibadda furitaanka oo lagu qabtay Hoolka Guuleed hotel.
Shirkaddaha waawayn ee Somaliland,kuwo Caalamiya iyo ganacsatada yaryar ayaa ku soo bandhigay Adeegyada iyo waxsoosaarkooda.
Masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group, Telesom Group, Somcable iyo SBI ayaa halkaasi uga mahadceliyay Rugta Ganacsiga Somaliland oo qabanqaabisay Carwadaasi iyo martida ka soo qayb gashay. Masuuliyiinta ayaa halkaasi kaga warbixiyay Waxyaabaha ay ku soo bandhigeen Carwada iyo hamigooda ku aadan dhinaca horumarka Bulshada.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri jaamac ayaa halkaasi uga mahadceliyay Shirkaddaha iyo ganacsatada ka qayb qaatay Carwadaasi, gaar ahaan Shirkaddaha Dahabshiil, Telesom, Milgo iyo SBI iyo Dekeda Berbera.
“ Carwaddan waxa looga jeedo saddex Eray aan ku soo Ururiyo, Dhacdadani Somaliland waa u magac,Ganacsatada reer Somaliland-na waa u Manfac iyo Muuqaal, Bulsha waynta reer Somaliland-na waa u Magaalaysi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.
Dr: Adna Aadan Ismaaciil ayaa halkaasi ka hadashay waxayna Carwadaasi ku sifaysay tii ugu weynayd ee Somaliland lagu qabto islamarkaana hor seedi karta in qaar ka waawayna lagu qabto. Waxay dhalin yarada Somaliland u soo jeedisay inay ku dadaalaan Waxbarashada.
“Dhalin yarooy idinkaa dalkan la idiin dhisayaa, intaas oo shirkadood ayaa shaqaale u baahan, intaas oo shirkadood ayaa u baahan farsamo yaqaan, Aqoon yahan, Xisaabiye iyo cid u shaqaysa. Anigaa ugu liita oo waxaan shaqaalaysiiyaa 107 Qof, waxay mararka qaarkood igu kaliftaa inaan dibada u doonto. Maxaa Dhalin yarooy idinka idinka hortaagan inaad farsamooyinka barataan. Waxaan idin farayaa ama Cilmigii magaalo barta ama keenii wanaagsanaa ee miyi ee halkaa ina soo gaadhsiiyay Barta. Barta dhaqankeenii wanaagsanaa ee xishoodku ku dheehnaa, ee marti-soorku ku dheehnaa ee aynu Xoolaheena ku dahqan jiray labadaa mid uun barta” ayay tidhi Marwo Adna Aadan Ismaaciil.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo gabagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukumaddu ku hawlan tahay sidii loo soo jiidan lahaa Maalgashiga shisheeye ee dalka islamarkaana loo dhiiri galin lahaa kuwa wadaniga ah.
“ waxaynu u baahan nahay in Shuruucda ganacsiga la dhawro oo wixii suuqa kaaga soo horeeyay, baadhid aad ku samayso oo aad ogaato bal inay laba ama saddex Shirkaddood kaaga soo horeeyeen, oo aa ogaato in intaasi ku filan tahay iyo in kale, laakiin hebel baa keenay ee adna keenta waa laga fiican yahay.
Iyadoo dunida aan ina citiraafin caqabado badani naga haystaan, haddana wasaaradda Ganacsiga waxaa lagu daray Xafiiskii Maalgashiga. Maalgashigaasi waxaanu ku dhiiri galinaynaa oo hadh iyo habeenba u taaganahay in Hantida Caalamka heehaabaysa ee iyana u baahan Fursado halkan yaala inay ka faa’iidaystaan inagana inooga faa’iideeyaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku oo kormeerkiisa qayb ka mid ah ku sameeyey goobtii ay shirkadda Som-cable bandhigeeda ku muujinaysay ayaa warbixin ka dhegaystay Maareeyaha shirkadda isgaadhsiinta ee SOM-CABLE oo dhowaan shaqo bilaabi doonta.
Md Ibraahin Cali Yuusuf Maareeyaha Shirkadda SOMCABLE waxa uu sheegay in muuqaalka maanta halkan lagu arkayo iyo wax soo saarka ay shirkaduhu soo bandhigeen uu markhaati ka yahay horumarka ay Somaliland ku sii socoto iyo dadaalka ay wadaan dadweynaha reer Somaliland.
Maareeyuhu waxa uu ku wargeliyey madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo wehelinayey in maanta gudaha Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa laga isticmaalayo internet Speed-kiisu sareeyo oo aan laga isticmaalin dalalka caalamka ugu horumarsan qaarkood, kaasoo ah mid ay soo bandhigtay shirkadda SOMCABLE, dhowaana la wada gaadhsiin doono guud ahaan dalka JSL. Internet-kaas oo maareeyuhu ku tilmaamay mid ay ka faa’iidaysan doonaan dhamaan dhinacyada adeega bulshada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com