|

Dhaarta Baarlamaanka Cusub Ee Puntland Oo Haatan Si Toos ah U Socota

Garowe:01-Janu-2014(SDN)-Xarunta Barlamaanka Maamulka Puntland, waxa haatan ka Socota Munaasibad lagu Dhaarinayo Xubnaha cusbe e Barlamaanka Puntland oo Habeen Hore uu Lagu Dhawaaqay.

dhartayMunaasibaddan oo ah mid si Heer sare ah loo Soo Agaasimay, ayaa waxa Goob joog ah ka Saraakiil Sare oo Maamulka iyo Waxgaradka Puntland ka Tirsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Farole iyo Madaxweynihii ka Horreeyey Ee Cadde Muuse, iyadoo Isimo iyo Garooddo Tiro badanina Goob joog yihiin.

 

66 Mudane ee Maanta la dhaarinayo ayaa lugu wadaa in Maalmaha soo aadan ay doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka & ku xigeenadiisa, iyagoo intaas ka dibna Wajihi doona Hawsha culus ee loo Igmaday oo shacabku ka Sugayaan.

Xarunta Baarlamaanka ee Munasabaa dhaarinta laga wado ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay, waxana la filayaa inay Dhaartu muddo socoto, isla-markaana ay Halkaas ka Hadlaan Saraakiisha ciidanka Ka Tirsan ee goob joogga ahi si ay  ula Dardaarmaan Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed