Ruushka oo xabsiga ku guray dad looga shakiyay qaraxyo dalkaa dhawaan ka dhacay
Volgograd Jan 01,2014(SDN)-Ciidamada Booliska ee dalka ruushka ayaa xabsiga ku guray tiro dad ah oo looga shakiyay in ay ka danbeeyay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Volgograd todobaadkan.
Qaraxyada oo laba maalmood oo isxiga dhacay ayaa waxa ku dhintay dad tiradooda lagu sheegay 34 ruux oo shacab ahaa.
Boqolaal ka mida ciidamada booliska ayaa baaray kumanaan dad ah ka dib qaraxyada maalmihii Axada iyo Isnintii ina dhaaftay.
Qaraxyada ayaa ku soo beegmay lix todobaad uun ka hor bilawga ciyaaraha Olympic-ga ee xiliga qabowga.
Qaraxyadan isxigay ayaa yimi iyada oo koox Islamiyiina oo ku nool degaanka Chechnia ay hore ugu goodiyeen in ay weerari doonaan Ciyaaraha Olympiga ee Sochi lagu qabanayo sanadkan.
Dawlada Ruushka ayaa maalmihii u danbeeyay ku celcelineysay in amaanka ciyaaraha iyo dalkaasba la adkeeyay.
Xili ay dawladaha reer Galbeedku qaraxyada uga faaiideysteen weerar ay ciyaaraha Ruushku martigelinayo ugu hayeen.
SDN-Volgograd
contact@somalidiasporanews.com