Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Adag Uga Hadlay Shirka Baydhabo Ka Socda oo Aanay Dawladdiisu Ogolayn
Muqdisho:01-Janu-2014(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Shir ka Soconaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Ahaan soo dhaweynayo shirkaas socdo, balse looga baahan yahay inuu ku soo laabto jida saxda ah oo uu sheegay inaanu Hadda ku soconin oo uu ka Baydhay.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in loo baahan yahay in Ujeeddada shirka la caddeeyo isagoo si cad u sheegay inaan marna shacabka Reer Baydhabo lagu taageeri doonin Dulmi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka ku shirsan magaaada Baydhabo in in ay soo dhistaan maamul aan ka hor imanaynin maamulka Jubba oo dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay.
Hadalkan ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay uu ka soconayo shir la sheegay in maamul loogu sameynayo gobollo kamid ah Soomaaliya.
Shirkan ka soconaya Magaalada Baydhabo, ayaa la sheegay inuu yahay mid aanay Dawladdu ka raalli ahayn waxana taasi keentay inuu madaxweyne Xasan si Toos ah uga Hadlo, isagoo Ku Gooddiyey inaan la taageerayn shir dulmi iyo Gardarro ku dhisan.
Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan ayaa laga Yaabaa inuu Colaad horleh sii Geliyo shacabka Reer Baydho oo markii horeba xukuumadiisa ka soo Hor jeeday, waxana lagu wadaa inuu Hadalkani dardargeliyo shirka lagu dhisayo Maamulka.
S.D.N