Ciidanka Ethiopia Oo Hawlgallo Ka Wada Deegaanada Bay Iyo Bakool Iyo Cabsi Shacabka Soo Food saartay
Bay:01-Janu-2014(SDN)-Hawlgallo ay Qayb ka yihiin ciidanka Ethiopia, ayaa ilaa saaka ka socda Deegaano ka mid Gobolada Bay iyo Kakool, iyadoo shacabka halkaas degenina warwar ka qabaan dhaqdhaqaaqa ciidanka.
Ciidankan ayaa la sheegay inay Xalay Hawlgalo ka fuliyeen Degmada Qansax dheere ee Gobolka Bay, waxana la sheegayaa inay halkaas ku qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ah kuwa deegaanka.
Howlgalkaa ayaa lagu baacsanayay dagaal yahano ka tirsan Ururka Alshabaab kuwaas oo la sheegay in deegaano degmadaa hoos yimaada soo gaadheen, waxana ciidanku si weyn u gelalefayaan inta badan cidda ay ku soo baxaan iyo meelaha ay ka shakiyaan.
Dhaq dhaqaaq xoogan ayaa ka socda Gobalada Bay, Bakool kaas ay wadaan Ciidama Itoobiyaan ah oo halkaa soo gaaray waxaana dhaq dhaqaaqaa uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan Kooxda Alshabaab.
Boqolaal Ciidama Itoobiyaan ah ayaa shalay galab soo gaadhay Magaalada Baydhabo Gobalka Bay kuwaas oo la sheegay in Baydhabo ku soo dhawayeen Maamulka Gobalka Bay.
Ciidamada ayaa la dajin doonaa duleedka Baydhabo waxaana Ciidamada qayb ka noqon doonaan Ciidamada AMISOM kuwaas oo ka qayb qadan doona dagaalka looga soo hor jeedo Kooxda Alshabaaab.
Tallaabooyinka Noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu haddidaa dadka shacanka ah, waxana soo badanaysa Cabashada dadka shacabka ahi ka muujinayaan ciidanka Ethiopia oo iyagu aan cidna u tudhaynin ee cagta marinaya Maatida iyo Dadka Jilicsan ee Deegaanadaas ku dhaqan.
S.D.N