“Reer Burcow 22-Sano ka dib Inaad Qof la Beddelay Ka Xanaaqdaan Oo Dhimasho Dhacdo” Eng. Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa:26-Dec-2013(HWN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Dufaanada Siyaasadeed ee Xukuumaddu waddanka ka curisay ee Muranka Sharci ee Wakiillada iyo Dhibaatooyinka kale ee shacabka lagu kala furfurayo.
Ugu Horrayn Guddoomiye Faysal waxa uu farta ku fiiqay inay Maxkamadda Sare Ee Somaliland dhaqan u leedahay inay Qaladaad cad iska dhex dabaalato,
“wadankan hore ayaan u sheegay inuu sharcigiisii baaba’ay maxkamaduna imika oo kaliya qalad may gelin markii ay kiiskaygii xisbiga gashayba qalad ayey ku jirtay, barlamaanku nidaam ayuu leeyahay, xeer hoosaad ayuu leeyahay. Guddiyana wuu leeyahay, hore xafiiskayga ayey maxkamadu uxidhay, hadana kii baarlamaanka ayey ku soo socotaa, raga maxkamada joogaana sharciga way yaqaanaan,mushkiladuna waxa weeye dadkeenu sharcigii ma eegayaan waxay eegayaan madaxweynihii muxuu yidhi, sadexda qaybood ee qaranku ka kooban yahayna way is leeg yihiin midina midka kale kuma xad gudbi karo, haddii laga tagi waayana golaha wakiilada oo codkii shacbiga ku fadhiya ayaa u xoog weyn,” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Waxa kale oo uu Guddoomiye Faysal Wax ku Ool ah u Diray Shacabka ku Dhaqan Gobolk Togdheer iyo Magaalada Burco, isagoo ku dhiirrigeliyey inay dulqaadka iyo Samirka Badiyaan, isla-markaana u tilmaamay inaan maanta laga aqbali Karin inay Laba Shaqaale oo La Isku Beddelay Ka Mudaharaadaan, waxana uu yidhi, “dadkii ku dhaawacmay mudaraadkii ka dhacay magaalada Burco waxaan leeyahay ilaahay dhaawacooda ha fududeeyo, shacabka reer Burcana waxaan leeyahay maanta tacabka Somaliland meel wanaagsan ayaad kaga jirtaan,waxaad tihiin magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isku taaga, waxaad tihiin dad nadiif ah oo uurkooda iyo afkoodu is leeyahay,waxaan ka xumay in 22 sano ka dib in la yidhaahdo Burco ayuu iska hor imaad ka dhacay, waan ognahay inay wax badani qaldan yihii, waanu ognahay inay dalka eexasho badani ka jirto hadana macquul maaha in qof la badalay xanaaqo.”
Guddoomiye Faysal cali waraabe ayaa Noqonaya Guddoomiyihi ugu horreeyey ee Si Dhaxal gal ah uga hadla Shaqaaqada Burco, iyadoo sidoo kale uu u muuqdo mid ka run sheegaya xaqiiqda taalla meesha iyo inaanay Haboonayn in cidi u dhimato shaqaale dawladeed oo meel kale loo Beddelay.
S.D.N