Mid ka mida Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland oo ilaaladiisu jir dileen Suxufi
Garoowe Dec 26,2013(SDN)-Ilaalada mid ka mida musharixiinta xilka madaxweyne ee maamul goboleedka Puntland ayaa jirdil u geystay mid ka mida suxuufiyiin aqalkiisa ku booqday.
Suxuufiyiinta ayaa sheegay in aqalka musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi looga yeeray iyada oo loo sheegay in musharuxu doonayo in uu shacabka hadal u faro.
Suxuufiyiinta ayaa kolkii ay gaareen aqalka Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi waxa aqalka kadinkiisa lagu kala reebay suxuufiyiinti halkaa gaaray.
Suxuufiyiintii kadinkalagu celiyay iyo ilaalada musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa xurgufi dhex martay.
Rabshadaha ayaa sababay in gebi ahaanba ay suxuufiyiintii halkaa tagatay ay isaga tagaan aqalka si ay u muujiyaan midnimo ay uga dhiidhinayaan hab-dhaqanka guracan ee ilaalada Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com