|

Baarlamanka Federaalka Somalia oo laga dalbaday inay ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Bada

Muqdisho 25.Dec 2013 (SDN)- Guddoomiyaha Hay’adda Daraasaadka Badaha ee Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar ayaa maanta ka codsaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya in uu meel-mariyo hindise-sharciyeedka badaha.

Faarax-Qare (1)Kulan uu maanta yeeshay baarlamaanka oo su’aalo lagu waydiinayay guddoomiye Faarax Axmed Cumar ayuu mudanayaasha uga codsaday inay ansixiyaan hindise-sharciyeedka si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira badaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dagaalka ka dhanka ah burcad badeedda uu noqday mashruuc loogu soo dhuunto kheyraadka badaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, baarlamaanka ayaa kulankii uu maanta yeeshay waxaa looga hadlay dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool dalka Koonfur-Sudan oo ay dagaallo ka socdaan.

Waxaa kulanka warbixin looga dhageystay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhowaan booqday dalkaas.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed