|

Raashin Caawimo ah oo loo qaybiyay Bara-kacayaasha ku dhaqan Laascaanood

Laascaanood 25.Dec 2013 (SDN)- Ugu yaraan labo iyo toban xarumood oo ku yaalla magaalada laascaanood ayaa maanta loogu qaybiyey raashin caawimo ah dadweynaha baro-kacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi iyadoo ay hawsha qaybinta u xilsaaran yihiin gudiyada xaafadaha

Deeq raashin ahDeeqdan Raashinkanka ah oo la soo marsiiyey hay’ada bisha cas ee Somaliland ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey maamulka heer Gobol, kaasoo qayb ka ah qorshayaasha xukuumadda Somaliland ee ku wajahan taakulaynta bulshada danyarta ah eegobolada iyo degmooyinka dalka.

Gudoomiyaha Gobolka sool Md Maxamed Faarax Aadan ayaa kormeer la socod ah ku soo maray guud ahaan goobaha ay raashin qaybintu ka socotay, isagoo u kuurgalay sida raashinkaas loo gaadhsiinayo dadkii loogu talo galay.

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo kula hadlayey mid ka mid ah goobaha ay raashin qaybintu ka socotay ayaa sheegay in raashinkani ka kooban yahay Bariis iyo saliid, waxana uu uga mahadnaqay xukuumadda Somaliland iyo hay’adda bisha cas kaalmada ay soo gaadhsiiyeen bulshada barakacayaasha ah ee Magaaladaasi ku nool.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed