Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka oo ka Hadashay Kulan lagu Midaynayo Cududa Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka
Hargaysa 25.Dec 2013 (SDN)- Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa maanta uga furtay magaalada Hargaysa xubno ka mid ah Masuuliyiinta iyo Howl-wadeenada wasaarada Caafimaadka kulan hawleed lagu falanqaynayo Sidii loo midayn lahaa Cududa shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo furitaankii kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay kulankan oo qaadanaya middo labo maalmood ah lagu gorfaynayo sidii loo meel marin lahaa hanaanka midaynta Cududa shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka laga Bilaabo masuuliyinta u saraysa ilaa shaqaale hoosaadka .
Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxa ay tilmaamtay In tababarkani Xanbaarsanyahay macluumaad fududay-naya sidii loo meel marin lahaa, loona hir-gelin lahaa hanaanka midaynta hawlgalka Cududa shaqaalaha Caafimaadka. Barnaamijkaas oo ay sheegtay in si ficil ah loo hirgalin doono isla markaasna fulintiisa dabagal lagu samayn doono.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Isuduwaha Gobolka Maroodi jeex ee wasaaradda caafimaadka, iyo Agaasimaha waaxda Tababarada Wasaaradda caafimaadka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com