|

Ciidamada Amisom Ee Somalia Oo Dhaqan Halis Badan lagu Arkay

Muqdisho:25-Dec-2013(SDN)-Ciidanka Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa la sheegayaa inay haatan barteen oo lagu arkay Dhaqan halis badan oo Nabadgelyada Dhaawici kara.

amisomSida ay noo sheegeen shacabka ku nool meelaha ay ciidankani sida gaarka ah gacanta ugu hayaan, waxa la arkay ciidanka oo Lacago laaluush ah ka qaadanaya shacabka ay dantu kaga xidhanto meelaha ay masuulka ka yihiin, waxana la arkay iyagoo lacago si toos ah u weydiinaya dadka sida gaarka ah u isticmaala Dekedda Muqdisho oo ay iyagu guud ahaanba maamulaan.

Ciidanka ayaa la sheegay inay lacago weydiiyaan kana qadaan ganacsatada iyo dadka kale ee Dekedda Alaabaha kala soo degaya, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar hoose oo sheegaya in ciidanku ay xataa waxyaabo halis badan oo Hubku ka mid yahay ay fasaxaan in la soo dejisto iyagoo taa Beddelkeeda lacago badan qaadanaya.

Shacabka ayaa sidoo kale sheegay inaanay xukuumaddu wax war ah ka haynin tallaabooyinkan qallafsan ee ciidanka Amisom ay wadaan, waxana ay dadku  in badan ashkato ka Gudbiyeen dhibaatada Laaluush qaadashada ah ee ciidanku waddanka ka wadaan.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in ciidanka Amiso oo dad gaar ah oo lacago bixiya u fasaxeen inay dekedda kala soo degaan raashino iyo daawooyin dhacay, iyadoo arrimahaasna loo fuliyo si farsamaysan oo aan cid kale ogayn.

Haatan ka hor waxa soo Baxay fadeexado baahsan oo ciidanka Amisom la xidhiidha, waxana la ogaaday in kooxo badan oo ka tirsan ciidanka Amisom ay Hubkooda iyo qalabkooda iibsadeen, iyadaa dhacdadaas lafteedana shaqada lagaga eryey 12-sarkaal oo ciidanka ka tirsan illaa iyo haatanna uu baadhitaan ku socdo.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa keeni kara inay Meesha ka baxdo u jeeddadii ay ciidanku waddanka u joogeen oo ahayd inay Nabadda ilaaliyaan, waxana haatan muuqata inay ku foogan yihiin arrimo ka dhan  wixii loo igmaday oo ah Nabadgelyo darro, waxana xukuumadda Somalia looga baahan yahya inay Arrintaas dib u eegis ku samayso

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed