Masuuliyiintii Xukuumaddu U Dirtay Daminta Shaqaaqadii Burco Oo Isku Maan-dhaafsan Xadhiga Abaabulayaashii Mudaharaadka
Burco:25-Dec-2013(SDN)-Wararka laga Helayo Magaalada Burco ayaa sheegaya inuu Jiro Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir, kaas oo la xidhiidha xadhiga Xubno looga shakisan yahay Wixii Burco ka dhacay.
Taliye Fooxle ayaa la sheegay inuu qorshaytay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa shakhsiyaadka ku lugta lahaa dhibtaadii Foosha xumayd ee Burco ka dhacday, isagoo ku talo galay inuu soo xidho cid kasta oo abuulka arrintaas gacac ku lahayd derajaday doonta ha lahaatee, balse xubnaha xukuumadda ka socda ee Halkaas jooga ayaan fikirkaas aaminsanayn.
Dadka eedda mudaharaadka la Huwiyey ayaa waxa ugu horreeya Guddoomiye-ku-xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir, waxana la sheegay inuu Taliye Fooxle xabsiga dhigay shalay aroortiiba, balse waxa arrintan ka biyo diiday ninkaana sii daayey Wasiir Cabdi aw Daahir oo ku andacooday inaan loo baahnayn in cid la xidho, maadaama haatan la doonayo in arrinta la dejiyo oo dadka shucuurtooda hoos loo dhigo.
Taliye fooxle ayaa sheegay kuna dooday inaan loo dulqaadan Karin cidda arrimaha caynkan oo kale ah Bulshada kula dhex jira, isla markaana tilmaamay in isaga iyo qaar hadda xilal hayaba xadhig lala tiigsado, laakiin kuma uu Guulaysan fikirkiisa, waxana lagaga hor yimi awood wasiir oo gaadhay in Guuleed Xabsiga laga sii daayo oo uu dib xorriyadiisa ugu helo.
Taliyaha ayaa la sheegay inuu markii dambe iska dhaafay kana tanaasulay aragtidiisii hore, waxana haatan loo sheegay inuu ammaanka Guud ku dedaalo oo aanu cid dambe isku dayin inuu xidho.
Ragga lagu eedeeyey inay abaabuleen dhacdadii Burco gilgishay, ayaa u badan masuuliyiin hore iyo qaar hadda xilal haya, waxana taasi keentay in wax la iska weydiiyo waxa ay aaminsan yihiin raggan qaranka u shaqeeyaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com