‘’Musharaxiintu waa inay xoriyad u helaan soc-socodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda” Nicholas Kay oo ka Digay Doorashooyinka Punt land
Nairobi 24.Dec 2013 (SDN)- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku baaqay doorashooyinka ku soo fool leh Puntland in loo maro hanaan cad oo aan shaki iyo mugdi ku jirin.
Nicholas Kay oo war saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay in baahida loo qabo xulidda xildhibaanada Baarlamanka cusub iyo sidoo kale qabsoomidda doorashada.
Wuxuu xusay in muuqaalka doorashada xiliggan ka muuqanaya ay tahay mid sii murjinaya xaaladda la taagan yahay, isagoo ka codsaday musharraxiinta, dadka taladu ka go’do, odayaasha iyo isimada in si wadajir ah ay uga wada-shaqeyaan qaabkii hab cadaalad ah oo nabadeed loogu qaban lahaa doorashada.
“Wakhtigii doorashada Puntland wey soo dhowaadeen, siyaasaddaha halkaas ka jirana waa kuwo sii kululaaday, si xal loo helo waa in la helaa tanaasulaad badan” ayuu yiri danjire Kay.
Wuxuu ergaygu ku sheegay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka musharraxiinta, inay si xor ah u sameysan karaan ololahooda doorashada warbaahintana si siman u isticmaali karaan.
‘’Musharaxiintu waa inay xoriyad u helaan soc-socodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda, waana in si siman warbaahinta looga hadli karo, cid gaar ahna aysan keligeed ku takri falin” ayuu Kay yiri.
Ergayga ayaa musharaxiinta ugu baaqay inay la shaqeeyaan taliyaha ciidammada Puntland, Jen. Siciid Dheere oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee loo xilsaaray sugida amaanka doorashooyinka.
Nicholas Kay ayaa sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu gacan ka geystay dhexdhexaadinta iyo dadaallada wada-xaajoodka, isagoo rajo ka muujiyay in dhammaan musharraxiintu ay diyaar u noqdaan qabsoomidda doorasho xalaal ah.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com