|

“Waxaan ku jirnaa Xero ciidan, mana haysano wax aan cuno, keliya waxaan cabnaa biyo aan nadaafadoodu wanaagsanayn, dibadana uma bixi karno” Qaylo dhaan Ganacsatada Soomalida ee Konfurta Sudaan

Juba 22.Dec 2013 (SDN)- Ganacsato Soomaaliyeed ayaa sheegay in lagu dhacay Magaalada Bor ee Gobolka Janglei ee Waqooyiga dalka South Sudan, halkaasoo ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynteeda kooxo kasoo horjeeda dowlada dalkaas oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee South Sudan Riek Machar.

juba-300x200Somalida la dhacay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku jiraan xero ay leeyihiin Ciidamada UN-ka ee ku sugan Magaaladaas, halkaasoo ay ku haysato dhibaatooyin dhinaca nolosha ah.

“Waxaan ku jirnaa Xero ciidan, mana haysano wax aan cuno, keliya waxaan cabnaa biyo aan nadaafadoodu wanaagsanayn, dibadana uma bixi karno” ayuu mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed u sheegay warbaahinta kala duwan ee calaamka.

Ganacsadahan ayaa sheegay in dhamaan hantidii ay lahaayeen ay dhaceen kooxaha hubeysan ee magaalada gacanta ku haya, ayna ka baqayaan inay dilaan hadii ay dibada u baxaan.

“Ma jirto qaab aan uga bixi karno magaalada Bor xitaa hadii aan isaga bixi lahayn, waayo ma jiro gaari soo galaya magaalada iyo diyaarad soo degi karta, kooxaha hubeysan way rasaaseynayaan cid walba oo ay arkaan” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsadahan oo aan magaciisa sheegin.

Magaalada Bor ahaa waxaa ka socda dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada South Sudan iyo kooxaha taageersan Riek Machan oo Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir uu ku eedeeyay Todobaadkii inuu isku dayay afmbi fashilmay, inkastoo uu madaxweyn ku xigeenkii hore iska fogeeyay arintaas.

Xerada Ciidamada UN-ka ay ku leeyihiin Bor ayaa waxaa sidoo kale ku jira dad badan oo Ajanbi ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Kenyan, Ethiopian iyo Ugandese, kuwaasoo iyagana sheegay in hantidoodii la dhacay.

Dhanka kale, waxaa fashilmay isku-dayo ay ku doonayeen wasiiro IGAD ka socda inay ku dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha dalkaas iyo ku xigeenkiisii hore, kadib markii Riek Machan uu diiday inuu la kulmo Madaxweyne Salva Kiir.

Magaalada Jubba ee Caasimada u ah South Sudan ayaa dagan labadii casho ee lasoo dhaafay iyadoo ganacsiga ay dib u furmeen, waxaana dalkaas lagu dilay intii ay dagaaladu ka socdeen ilaa 6-qof oo Somali ah, kuwaasoo qaar ka mid ahay dileen xabadihii habowga ahaa ee is-dhaafayay.

Juba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed