Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada iyo Qodobadii lagaga wada hadlay
Hargaysa 22.Dec 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda J S L oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ayaa mudanayaasha golaha waxa loogu qaybiyey waxqabadkii kal fadhigii hore ee 22 aad iyo qorsha golaha ee kal fadhiga saddex iyo labaatanaad ee u furmay shalay.
Waxana warbixintaa mudadanayaasha u akhriyey Xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Md C/risaaq Ayaanle kaas oo sheegay in kal fadhigii 22aad, uu furmay Bishii 8aad islamarkaana uu soo xidhmay Bishii 10aad ee sanadkan, isaga oo sheegay in Goluhu qabtay hawlo muhiima oo ay ka mid yihiin ansixinta masuuliyiinta qaranka oo goluhu ansixiyey 19 masuul oo ka tirsan Golaha wasiirada kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo wasiir ku xigeeno, waxa kale oo Goluhu ansixiyey kalfadhigaas saddex xeer oo kala ah xeerka maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka, miisaaniyada qaranka ee 2014 ka iyo xeerka takaaliifta wadooyinka .
Geesta kale Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa mudanayaasha Golaha fadhiyey ku war galiyey in ay soo Gaadhay warqad ka timid Maxakamada Sare, taas oo lagu sheegay in maxakamadu hakisay go’aankii shalay Golaha wakiiladu uu ku ansixiyay gudi hoosaadyadii golaha,.
Gudoomiyuhu isagoo soo Cuskaday Qodobada Dastuurka Waxa uu sheegay in Saddexda Waaxood ee Dawlada ee kala ah Fulinta, Xeer dajinta iyo Cadaaladu ay kala madaxbanaanyihiin,Waxaanu sheegay Guddoomiyuhu in Goluhu arintaa si rasmi uga Jawaabi doono.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com