|

Madaxweynaha Somaliland oo abaalmarino Gudoonsiiyay Da’a yar Suugaanta ku tartantay Daawo

Hargaysa 22.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay shahaadooyina ku gudoonsiiyey Hal-abuurada da’a yar ee dhawaan ku guulaystay tartankii loo qabtay da’a yarta Gobolka maroodi-jeex, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri gelin lahaa hal abuurada dalka u soo koraya, iyaga oo hal-abuuradani ku tartamay gabayo loogu talo galay sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinta dalka aafada tahriibta .

Madaxweynaha ayaa dhalin yaradan uga mahadnaqay sida wadaniyad jacaylku uga dhab-tahay ee ay dadkooda iyo dalkoodaba heeganka ugu yihiin in ay afkooda  iyo maskaxdooda ku difaacaan kuna dhiirigeliyaan khayrkooda badaha Somaliland isla markaana ay ka dhawrsoonadaan aafada Tahriibka ee Galaafata Nolosha da’a yar badan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Gudoonsiiyay saddexdii Hal-abuur ee kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ku kala guulaystay shahaadooyin.

waxaana xusid gaara mudan in tartamayaashu ay ahaayeen 23 ruux oo isugu jiray rag iyo dumarba welibana ay kaalinta koowaad ku soo baxday kuna guulaysatay gabadh ka mid ah tartamayaashii ku kulmay madashaasi oo lagu qabtay Guriga hay’dda Shaqaalaha Dawlada .

Dhinaca Hal-abuurada da’a yar ee kulankan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka war bixiyey ujeedada kulankan iyo doorkii ay ka ciyaareen ka dhalin yaro ahaan iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida qadarinta iyo qiimuhu ku dheehan yahay ee uu dhalinta dalka u siiyo ahmiyada koowaad, taasoo markhaati sida aad ugu darban tahay Hawlaha qaranka ee laguu Igmaday, iyagoo intaas ku daray inay ku Garaadsadeen qaarkood Xiligii uu Madaxweynuhu ahaa Hogaamiyihii Ururkii Xoreeyay dalka .

Intaasi ka dib Waxaa madaxweynaha gudoonsiyeen Hadyad ka Kooban dhaqanka Bulshadeena taas oo ay ugu Talo gashay  Xarrunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge,

sidoo kalena waxay u mahadnaqeey Abwaanadii tartanka sida qiimaha badan u daadihiyey ee u soo kala saaray Hal-abuuradan.

Saddexdii kaalmood ee u horeeya ee  loo tartamaayey waxaa ku Guulaystay

1.       Deeqa Nuux Yoonis kana socotay Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

2.       Xasan Cabdinaasir Cumar oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

3.       Yaasiin Muxumed Faaraax oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

Gabo gabadii waxay dhalin yaradani mahadnaq u soo jeediyeen wasiiradii sida Muga leh ugala soo shaqeeyay Tartankan oo kala ah  Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Cali iy Wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaraha Mudane Siciid Cali Raygal iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha mudane Cali Axmed Cali dhamaantood oo kulankan ku wehelinaayey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

IMG_0257 IMG_0260 IMG_0264 IMG_0245 IMG_0248 IMG_0249 IMG_0251 IMG_0252 IMG_0254 IMG_0255 IMG_0257 IMG_0260 IMG_0264

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed