|

Muqdisho: Banaan bax lagaga soo hor jeedo dilkii lagu khaarajiyay Dhakhaatiirtii Suuriya u dhashay oo maanta dhacay

Muqdisho 22.Dec 2013 (SDN)- Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dilkii dhowaan duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay dhaqaatiir u dhashay dalka Syria ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dibadbax-ka-dhan-ah-al-Shabaab-300x167Boqollaal arday ah iyo dadweyne caadi ah ayaa ka qeyb-galay dibadbaxa oo ay ku muujinayeen sida ay uga caraysan yihiin dilka dhaqaatiirta iyo shaqaalaha gargaarka ee aan dalka u dhalan.

Dibadbaxa waxaa abaabulay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay caddaaladda hor keento gacan ku dhiiglayaashii geystay dilka.

Qaar ka tirsan dadkii ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay oo dhaqaatiir iyo samafaleyaal lagu dilo dalka Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen dowladda federaalka iyo laammaha ammaanka inay mustaqbalka wax ka qabtaan falalka noocaan oo kale ah.

Saddex dhaqaatiir oo u dhalatay dalka Syria iyo dhaqtar Soomaali ah iyo labo ilaalo ah ayaa la dilay Arbacadii la soo dhaafay kaddib markii gaari ay wateen oo marayay duleedka Muqdisho lagu furay rasaas badan.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaas. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay inay ka dambaysay weerarka.

Al-Shabaab oo lagu tuhmayay inay ka dambayn kartay weerarka ayaa sheegtay inaysan iyadu gaysan weerarka.

Labo dhaqaatiir oo la socday dhaqaatiirta la dilay ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed