Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee UCID oo ka faalooday khilaafka wakiilada
Hargeysa Guddoomiye ku-xigeenka sadeexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa ka waramay khilaafka hareeyay gollaha Wakiilada ee Somaliland iyo halka Khilaafkaasi uu salka ku hayo.
“Xaqiiqada waxa loogu yeedhayo khilaafka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Sonaliland waxad moodaa in la majare habaabinayo oo aan runta laga sheegayn.
Maqaal todobaadkii hore arintan kaga hadlay marna kuilaafkan anigu kuma sheegin in uu yahay khilaaf golaha dhexdiisa ka jira iyo mid u dhexeeya Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee waxan u dhigay una arkaa inu yahay khilaaf ka yimi xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo madaxtooyada xukuumadda Kulmiye oo muddo ka badan sideed sanadood oo ahaa mid gar iyo gardaro ba ay arimaha oo dhan isku aragti iyo isku mawqif ka ahaayeen oo midba kan kale gar iyo gardaro ugu hiilinayay.
Maanta marka aan khilaafkan eego waxa odhan karaa wax kale oo jiraa ma jiro eh hadii shalay isku dan la ahaa maanta waxa muuqata in aan sidii shalay isku dan la ahayn ee kala dan la noqday. Mar hadii kala dan la noqday markaa waxa qasab ah in la kala leexdo oo midba wadadiisa gaarka ah cagta saaro. Waxa qudha ee taa labayn karaa waxay noqon kartaa mid laga yaabo in aanay suurtogelin oo ah in mid dantiisa uga tanaasulo danta kan kale oo tiisa uu raaco.
Labada ku xigeen ee gudoomiye Cirro iyaga toodu haba yaraato eh wax micno ah kuma fadhido maadaama la og yahay in aan mawqif koodu ahayn waxa iyaga ka yimi ama xataa ay go’aankiisa leeyihiin ee la adeegsanayo cidda adeeg sanaysa ay mafhuum tahay oo la wada garanayo.
Waxa ay ku hadlayeen iyo sharciga ay ha loo soo noqdo leeyihiin laba arin ayuun baa hadii ay dhacday wax ka soo qaad noqon kara. Kow miyay ina leeyihiin shirka tiradii uu ku furmi lahaa ayaan buuxin oo sharci darro ayuu ku furmay? waa maya. Miyay leeyihiin tirada go’aanka ama go’aanada u codaysay sax may ahayn oo la tiro tawtabiyay?, maya taa na inamay odhan. Hadaa maxay sheega yaan?
Hadii kooramku buuxay horta fadhigu wuxu noqonayaa sharci. Hadii cod bixintu sidii la sheegay ay u dhacday na go’aanka ama go’aanada goluhu gaadhay waxay noqona yaan sharci. Hadaba cidda sidii ay doonaysay ay wax u dhici waayeen waxa haboon in la yidhaa,XIDIGUHU CISMAANOW HALKII XALAY MA JOOGAAN. Hadii ay doona yaan in goluhu sidii ay uga barteen wax walba siday doonayaan uu dhaco waxan is leeyahay laf bay toobin ku hayaan oo taasi dhici mayso, gudoomiye Cirro na kaadhka gacantiisa ku jira hooya ii ciyaara odhan maayo ee isaga ciyaari”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com