|

XUKUUMADU BULSHADA HAKA QANCISO DHOWR ARIMOOD

ANOO KU HADLAAYA AFKA BULSHADA SOMALILAND WAXAAN HALKAN KA CODSANAYAA XUKUUMADU INAAY NAGA QANCISO HESHIISYADAN AY LA GASHO SHIRKADAHA SHIDAALKA AMABA KUWA KALE EE KALA DUWAN.

SU’AASHAYDA KOWAAD WAXA WEEYE HADAANU NAHAY BULASHADA DALKA MAXAA AY NOOGA MEEL DHIGTAY DAWLADU?

SU’AASHAYDA LABAAD WAXA WEEYE SHIRKADAHA SHAQALAHA AY QAADANAYIIN MAAN LAGALA XAAJOON?

SUAASHAYDA SADEXAAD WAXA WEEYE INTAA HESHIISYO LALA GALAAYAY SHIRKADO, HADAANU NAHAY BULSHADA DALKA WAX LA TAABTO OO WAX KU OOL AH MA HAYNO EE MAXAA SABABAY?

SU’AASHAYDA AFARAD WAXA WEEYE HESHIISYADAN LA GALAAYO MAXAA BARLAMANKA LOO SOO MARIN WAAYAY IYADOO SHURUUCDEDA IYO XUQUUQDA SHAQALAHA LAGU QEEXAAYO IYO SAAMI QAYBSIGA GOBOLADA SOMALILAND IYADOO LAGU MISAAMAYO?

SU’AASHAYDA SHANAD WAXA WEEYE WAXANOO HEESHIIS AH WAXAA NOOGA MUUQDA MADMADOW WAAYO WAXII QARANKA USOO KORDHAYA UMADU XAQ AYAY U LEEDAHAY INAY OGAATO HABKA UU UDHACAYO HESHIISKU LAKIIN HADAANU UMADII DALKA NAHAY MARNABA MA OGAANO IYADOO MAR WALBA ANU EEGNO OO AANU FILANO HALKAA IN WAX KASOO KORDHAYAAN OO CAMAL LA’AANTA NA HADHAYSAY HADAANU NAHAY UMADA DALKAN AANU FILANO ISBEDEL LAKIIN ANU KU HUNGOWNO MAR WALBA IYADOO WAXAA QARANKU QAYBSAN LAHAA AAY U GACAN GALAAN SHAQSIYAAD GAAR AH OO XUKUMADA KA MID AH OO MISAAN CULUS KU LEH, TAASO RUNTII AAN WAXBA KA BADALIN AMABA AANAY UMADU DAREEMINBA HESHIISKA SOO KORDHAYA AMABA MAALGASHIGAAS OO AAN WAXBA KU SOO KORDHIN. WAXAN LEYAHAY HESHIIS YADAN LALA SAXEEXANAYO SHIRKADAHU MA SIDA MADAWGA LOOGU WADA SAXEEXDO MEEL KA FOG ARAGA UMADA AYAA MANFACOODUNA U MADAWYIIN MIYAA?.

HADAANU NAHAY UMADII MANFACA DALKAN LAHAYD XUKUMADA WAXAAN UGA FADHINAA INAY NAGA QANCISO SU’AALAHAASI DHOWRKA AH. WAX YAABAHA NAGU KALIFAY INAAN IDINLA XISAABTANO WAXAA KA KAW AH HESHIISKII GENEL ENERGY EE HORE OO SI BADHEEDHA XUKUMADU ISUGU KOOBTAY OO HADII LAGA TAGI WAAYO BEEL KALIYI WAXIIBA XUUBSATAY HALKAY KA AHAYD IN WAXA QARANKU LEEYAHAY HABA LAKALA BADSADO DEGAAN AHAAN LAKIIN DEGAAMADA INTOODA KALE AAY KA DHEX MUUQDAAN SI WAXUU U NOQDO TRANSPARENT, LAKIN TAASI MAY DHICIN OO XATAA GADIIDKII AY KIREYSAN LAHAYEEN EE LAGA KIREYSAN LAHAA MUWADINIINTA KASOO WAX KU OOL NOQON LAHAA AAY WASIIRO KA MID AH XUKUMADU GADIIDKII LASOO DEGEEN GADIIDKII KAASOO XATAA CASHUUR DHAAF LOOGU SAMEEYEY, TAASO RUNTII AHAYD ARIN AAD U FOOLXUN OO RUNTII AAN ODHAN KARO XUKUMADU WAXAY QARANKA USOO KORDHISAY HADANA KALA BAKHAYSHAY IYADOO EEGANAYSA DANO KHAAS AH.

XUKUMADU WAA KA CABATA SAXAFADA LAKIIN MA EEGTO IYADU FAL DAMBIYEEDYADA AY KU TALAABSATO EE UMADA UGU KALA EEXATO AMABA AAY KU LUNSATO HANTIDA QARANKA.

WAXAAN HADALKAYGA KUSOO GUNAANADAYAA AMA HESHIISYADAN LALA GALAAYO SHIRKADAHA CALAMIGA AH UMADU HA HESHO SAMIGEDII AMABA AANU KA LA’AANO.
AMA HA NOQDAAN QAAR UMADU AAY DAREENTO OO DHIMA CAMAL LA’AANTA OO WAX KU OOL LEH XUKUMADUNA AMAAN KU MUDATO.

ADEN ABDI DAHER

Comments are closed