|

Muran Madaxtooyada ka soo Aloosmay Oo ka Taagan Tiyaatarka Hargeysa Iyo Gacan-ka-hadal Laga Cabsi qabo inuu Ka Qarxo

Hargeysa:22-Dec-2013(SDN)-Waxa kacsan Xaallada Shacabka Reer Hargeysa, kadib muran soo Noqnoqday oo ku saabsan dhismaha Tiyaatarka Hargeysa oo haatan la sheegayo in Koox Xildhibaan Cali Marreexaan u gadh-wadeen yahay lagu wareejiyey dhamaystirkiisa.

Hargeisa_Theatre2Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxa taagan xaalad adag oo shacabku kaga soo horjeedaan Oggolaansho la sheegay inay Madaxtooyadu siisay Kooxdan Tiyaatarka doonaysa inay dhamaystiraan,iyadoo Ganacsade Cumar caydiid oo isagu muddo dhisme ka soo wadayna la sheegayo in laga wareejinayo.

Kooxdan oo la sheegay inay isku jiraan Xildhibaano, wasiirro hore iyo salaadiin mashaariic malafsi ah ka qaata madaxtooyada, ayaa sahansaday inay qaataan dhamaystirka dhismaha Tiyaatarka Hargeysa, iyagoo madaxweynaha u sheegay in Ganacsade Cumar caydiid aanu diyaar u ahayn inuu dhamaystiro dhismaha, iyagoo ku andacoonaya inuu muddo dheer qabyo ku jirey dhismuhu.

Wali lama hayo warbaahintuna ma ay helin wax waraaq caddaan ah oo madaxtooyadu kooxdan ku siisay dhismaha Tiyaatarka, balse waxa kacsan xaaladda Ganacsade Cumar Caydiid oo iyadoo haatan la sheegayo inay jiraan  koox Hubaysan oo u diyaar ah difaacidda dhismaha uu hore qandaraaskeeda u qaatay Ganacsade Cumar Caydiid.

Xukuumadda ayaan wali talaabo qaadin sidii meesha looga saari lahaa shakigan jira, waxana haatan la sheegayaa inay arrintani keeni karto xaalad ammaan xumo oo ka bilaabanta  Badhtamaha Caasimadda, maadaama la sheegayo inay jiraan koox u heellan difaacidda sharciyadda uu Ganacsade Cumar Caydiid ku qaatay dhismaha Tiyaatarka.

 

Ganacsade Cumar caydiid ayaa isagu muddo dheer ku hawalanaa dhismaha Tiyaarka Hargeysa, waxase haatan jira waxoogaa Gaabis ah oo shaqada la xidhiidha taasaana keentay in kooxdan Cali Marreexaan wataa ay soo hurngureeyaan dhismahan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed