|

Guddoomiye Cirro Oo Labadiisa Ku-xigeen Cod Dheer Ugu Sheegay Inaanu Goluhu Ahayn Balloodh La Isku Haysto Oo Maxkamadda Lala Galo

Hargeysa:22-Dec-2013(SDN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Dareenka ay kala Fadhigii shalay ee Golahaas ka muujiyeen labadiisa ku xigeen.

cirroGuddoomiye Cirro waxa tilmaamay in wax kasta oo aqlabiyadda Golaha Baarlamaanku isku raacaan ay sharci tahay, isla-markaana hadallada meelahaas laga tuurayaa aanay waxba yeelayn go’aanada ay sida buuxda iskugu raaceen aqlabiyada Goluhu.

 

Guddoomiye Cirro oo xalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan,

” kalfadhiga 23-aad ee caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada, waxaa joogay shan iyo konton mudane waxay ansaxiyeen, ajandihii kalfadhiga oo koobnaa, oo ku koobnaa jandayaashii ka hadhey kalfadhigii hore iyadoo aanu sugeyno wixii cusubna in aanu xaga dambe kaga kordhino, waxa kale oo uu Goluhu soo jeediyay in la ansixiyo Gudida joogatada ah oo xeer hoosaadka Goluhu farayo in iyada la ansixiyo, markaas fadhigu fadhi caadiya ayuu ahaa sidaasaanu ku dhamaadey maanta afartan iyo sagaal mudane ayaa ansixiyay Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada”.

 

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd in labadiisa Gudoomiye Kuxigeen ee Goluhu qaadaceen cod qaadistaasi mudanayaasha ee ay codka aqlabiyada ah ugu qaadeen Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi (ciro) isagoo ka jawaabaya Su,aashaas waxa uu yidhi.

Guddoomiye Cirro oo haatan libin siyaasadeed la Hurda ayaa sheegay inaanay jirin maxkamad burin karta Go’aan ay gaadheen Golaha Wakiilladu, isagoo si gaar ah ugu sheegay kooxda Maxkamadda Tagtay inaanu Goluhu ahayn Balloodh la isku  haysto, waxana uu yidhi,

” wax kasta oo Goluhu u codeeyaa waa Sharci markaa go,aan gole cid qaadici kartaa majirto Maxkamad burin kartaana majirto wax kasta oo Goluhu u codeeyaana waa Sharci markaa saasey Sharci ku tahey waxaan maqmaqlayay Maxkamado iyo wax bay tageen Golaha Wakiiladu ma aha Baloodho la isku haysto markaa, Maxkamadaha iyo waxaan usoo jeedinayaa iyo Xukuumadaba Dastuurku wuxu tilmaamayaa saddex waaxood oo qaranku leeyahay oo kala madax banaan waa Filnta, Sharcidajinta, iyo Garsoorka ma baneynayo Dastuurku in ay midina mid kusoo xadgudubto markaa, waxaan uga digayaa in Xukuumada iyo garsoorkuba in ay waaxaha kale ee qaranka xadgudub ku sameeyaan Xeer hoosaadku Goluhu isagaa tilmaamaya hadii muran yimaado iyo haddii khilaaf yimaadaba meesha, loo noqonayo waxa loo noqonayaa Guddida joogtada ah oo hadii muran kayimaado iyo khilaaf iyaga kaliya ayuu xeer hoosaadku u baneynayaa iyagaanay utaalaa in ay go,aan ka gaadhaan”.

 

Hadalkan kulul eek a soo yeedhay Guddoomiye Cirro ayaa imanaya xilli ay labadiisa Guddoomiye Bustaha dhigteen Madaxtooyada Somaliland oo ah halkii ay murankan ka soo xambaareen, waxana haatan la sheegayaa inay dib ugu noqdeen Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay ka dalbanayaan inuu Ergo uga noqdo Golaha ay Godobta aanay sababteeda lahayn kaga dhex baxeen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed