Golaha Wakiilada oo uu furmay Kalfadhigoodii 23aad iyo Shirguddoonka Wakiilada oo Weli ka Jabsan
Hargaysa 21.Dec 2013 (SDN)- KalFadhigii sedex iyo labaatanaad ee Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay xarunta golaha wakiilada ee magaalada hargaysa.
Fadhigaas oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [ cirrro] ayaa mudanayaashii kasoo xaadiray madasha waxa loogu qaybiyay ajanadaha kalfadhiga sedex iy labaatanaad ee Golaha wakiilada kaas oo ka koobnaa qodobadii baaqiga ka ahaa kalfadhiyadii hore kuwaas oo cod gacan tag ah ay ku ansixiyeen sideed iyo afaratan mudane , halka ay ka diideen sedex mudane isalmarkaa uu ka aamusay hal mudane gudoomiyuhuna aanu codayan .
Geesta kale xogahayaha guud ee golaha wakiilada jsl md cabdirisaaq ayaanle ayaa golaha ka hor akhriyay soo jeedintii la talaiyaha dhinaca sharciga ee golaha wakiilda taasoo ahayd sharcinimada isku shaandhayntii gudi hoosaadka golaha wakiilada ee uu sameeyay gudoomiyaha golaha wakiiladu , taas oo uu ku tilmaamay in ay ahad sharci isalmarkaana waafaqsan dastuurka jsl iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada.
Intaasi ka dib waxay mudanayaashii kazoo xaadiray fadhigu ay cod gacan tag ah ku ansixiyeen guud ahaan gudi hoosaadkii golaha wakiilada ee dhawaanta uu magacaabay gudoomiyaha golaha wakiiladu , waxaana ogolaaday 47 mudane halka ay diideen 5 mudane ayna ka aamuseen sedex mudane gudoomiyuhuna aanu codayn sidaana ay ansaxku noqdeen