|

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo soo dhaweeyay Wefti ka Socda dalka Sucuudiga

Hargaysa 21,Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee JSL Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradiisa ayaa maanta dalka ku soo dhoweeyey wefti ka kooban lix xubnood oo ka socday Boqortooyada Sucuudi Arabia, weftigaas oo socdaalkoodu ku saabsan yahay ka qayb qaadashada fursadaha maalgashi iyo kuwo taageero ee caalamku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sheekh Khaliil C,laahi AxmedWeftiga oo ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta heer wasaaradeed iyo heer caasimadeed ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayey agaasimaha waaxda awqaafta ee wasaaradaasi Sh Cabdallah Ibraahim Yuusuf, isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee wasaaradda Maxamed Ibraahin Jaamac. Madaxa hay’adda geeska afrika ee Somaliland Sh Maxamed Cali Geeddi iyo culimada waaweyn ee dalka qaar ka mid ah

Dr Yaxya Al-Yaxyah oo hogaaminayey weftiga sucuudiga ayaa aad ugaga mahadnaqay shacabka iyo dawladda Somaliland sida loogu soo dhoweeyey dalka isagoo sidoo kale sheegay inay aad ugu kalsoonaadeen nabadgelyada iyo deganaanshaha ka muuqda Dalka Somaliland,

Dr Yahyah oo ka hadlay ujeedada socdaalkooda ayaa sheegay inay ku saabsan tahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha maalgashi ee ka muuqda dalkan, isla markaana ay xiligan u yimaadeen inay xaaladda guud soo arkaan,

Dhanka kalena wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sh Khaliil Cabdilaahi axmed waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda cilmi baadhista iyo taakulada bani’aadanimada ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Sh Usaama Saalim Al-Ceeryaani oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka iyo sheekhu waxa ay ka wada hadleen sidii ay hay’adda cilmi baadhista iyo taakulada bani’aadanimadu ay Somaliland uga caawin lahayd dhinaca nolosha iyo aqoonta iimaamyada iyo mu’adiniinta masaajidada gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo sidii maktabado loogu samayn lahaa jaamacadaha dalkan JSL.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed